Eeda Ninlihi Joogo Eedaysane kale Ha uraadin!

 

Dadkeenu waxay laqabsadeen nidaamkii dhamaan halka mid ahaa ama waxa afka qalaad lagu yidhaahdo ,,all in one,,.

Arintani waxay sababtaa in dadku kalasooci waayaan dhaliilaha shaqada iyo cida kalaleh iyo marba halka ay waxkaga xidhanyihiin waana mida kalifta inaad aragto deegaankeena shaqsi tuuladiisa ama degmadiisa kiniin caalka geela ama sunta cayayaanka uraadinaya oo Hogaanka nabadgaliyada Hortaagan.

Waxaan arintan kukeenay qofkasta oo aadama ahi wuxuu leeyahay nooc uu ufakaro balse fakarka qaarkii waa fuuntada digaaga oo kale marba hadaadan halka lagaajiro garanaynin.

Madaxwayne mudane Mustafe Mohumed Omer iyo Kuxigeenkiisa Mudane Aadan Faarax waxay bulshada uhayaan xilka xukunka dawlada deegaanka soomaalida, manajirto xilkale oo ay kahayaan 4kilo,waxayna mudanyihiin in lagula xisaabtamo xilkaa iyo siday umaareeyaan xiligeeda.

Waxaa dhawaan Addis Ababa lagaga dhawaaqay komishino dhawra oo soomaaliduna safka hore kamaqantahay walow komishinada laftoodu ay yihiin kuwo xaaraan ah oo sharciga garab marsan hadana waa suaale ma golaha kaabineega DDS ayaa ansixiyay mise golaha kaabineega ee xukuumada jamuuriyada Dimuqraadiga federaalka itoobiya?

Kolayba jawaabtu waa tan danboo igu khilaafi mayside Golaha kaabineega JDFI Ma madaxwayne Mustafe iyo MWK Aadan ayaa inoo matala mise tolow cidkalaa inoogu jirta?

Hadaadan ahayn mid hurda sidii reer asxaabu keyf ama aadan ahayn kuwa damaca shaqsiga kuduudsiya xaqiiqda waxaa hubaala inaad jawaabta haysee tolow xagay mustafe iyo aadan kasoo galaan golaha wasiirada JDFI?

Mase jirtaa inay kamid noqdeen baarlamaankii gacanta utaagay?

Oo jaale goormaa loo dhaariyay?

Bal tana day hada waa halkii Ina Seeraare.
Hadaad damantahay dantaada,
Hadaad doqontahay kudaayay,
Hadaad doontahay dibayso
Hadaad dawadaada aastay
Anigu ma,ogayn qof duugay
Hadaad dibirada naftaada
Waxay dhuuntaadu doonto
Dadkale kuduraamo leeday
Aleylehe diidnay maanta
Halkaad dabinada ku,ooday
Dushaan ka,arkaye lahayso
Dadkaagood dhinac karaacdo
Bungurigood dibo tidhaahdo
Ayay dawo kuujirtaaye
…Ama diid Ama yeel. adaa danbarkeeda maali

Bal intaa kadibna waxaan shacabka DDS xusuusinayaa inayna unuglaanin nataaqada cadawga iyo noolaha dhuunta oo ay qofwalba kula xisaabtamaan xilka iyo xasaanada xiligu saaray.

SDM
Cabdiraxmaan Maxamed Chief Editor