Xaqiiqda Xogta Tirakoobka warbixin dhamaystiran.

Sidda aad wararkeenii Hore kula socoteen waxaa si Qarsoodi ah uga soo baxay xafiiska Hay’ada Tirakoobka Itoobiya ee (CSA) xog rasmiya oo muujinaysa Qaabka loo Qorsheeyay in dhulka deegaanka Somaalida looga Fuliyo Tirakoobka taasi oo shacab iyo xukuumad ba siwayn ugu beertay Walaac.

Hadaba Warbaahinta SDM oo kamida saxaafada madaxa banaan ee deegaanka oo dadaal xoogan u Gashay sidaii ay u Heli lahayd faah-faahin dheeri ah oo kusaabsan arimaha tirakoobka oo maalmahan u dambaysay cabashooyin iyo madmadow ka sheeganayeen bulshada deegaanku, ayaa waxaa u suurto gashay inay la kulanto xubno kamida gudiga arimaha tirakoobka deegaankeena kuwaasoo faah-faahin qoto dheer kabixiyay sidday wax u Jiraan, waxayna kadiyaarisay warbixintan Hoose.

Masuuliyiinta ayaa noo sheegay in qorshahan lagu soo saleeyay tirada tira koobayaasha la sameeyay bishii Hamle ee sanadkii 2009 ka TI, xiligaas oo lasameeyay mapping oo macneheedu yahay in degmo kasta loodiray kooxo soo cabira dhamaan tuulooyinka iyo tuulo hoosaadyada degmo kasta laguna buuxiyay qalabka GPS ka (Coordinate yada) kadibna lasoo saaray khariirad ama Mapka degmada, ugu dambayna marka ay kooxdu dhamayso shaqada degmada ay kasoo qorteen maamulkii xiligaas joogay waraaqo cadaynaya inay wada gaadheen guud ahaan dhulka ay ka koobantahay dagmadu sidaasna loogu gudbiyay xafiiska wakaalada tirakoobka dalka (CSA).

Gudiga ayaa sheegay inay muddo labo maalmood kahor ahay heleen shaxdii ay SDM idinla wadaagtay caawa fiidnimadii hore ee ay ku qornayd tirada tirakoobayaashu, wayna ka shikiyeen waxayna la wadaageen golaha kaabineega oo markii dambe kaga wada hadlay kal fadhigoodii ugu dambeeyay.

Waxaana lala xidhiidhay masuuliyiinta ugu saraysa CSA da wayna siisay faahfaahintaas kor ku xusan, taasooy xukuumadu ku qanci wayday waxaana la go’aamiyay in loo diro xubno aqoonyahano ah oo ku xeeldheer cilmiga statistics ka CSA xarunteeda Addis Ababa waxaana loo qoray waraaq official ah oo uu ku saxiixanyahay MW kuxigeenka DDS ahna chairman ka gudiga tirakoobka DDS mudane Aadan Faarax si ay uga sooqaadaan magacdii goobkasta oo kamida goobaha dadka lagu tirakoobayo iyo coordinateska degmo kasta si loo ogaado inay wax ka dhimanyihiin tuulooyinka iyo tuula hoosaadyada degmo kasta, team kaasina wuxuu baxayaa maalinta axada ah ee 17ka Febraayo kadibna muddo labo maalmood ah ayay jawaab kaga keenidoonaan.

Masuuliyiinta oo aanu waydiinay su’aal kusaabsanayd deegaanada xuduuda kuyaala ee aan wali la lagu kala bixin oo ay kamid tahay Mooyaale iyo tuulooyin aad u tirabadan ayaa noosheegay in kuwaas si gooni ah loo tirakoobidoono (special enumerator areas) natiijadana si gooni ah oo national ah loo dhigayo oo aan labada deegaan ee isku haysa midkoodna lagu daraynin.

Meelaha ay ka biyadiideen gudiga tirakoobka deegaanka iyo xukuumaduba ayay ku sheegeen inay yihiin; deegaanka tigreega oo la ogyahay inuu deegaankeenu ka dadbadanyahay kana baaxad waynyahay in loo qoondeeyo in kabadan 11 kun oo enumerators halka deegaankeena loo qoondeeyay 7 kun oo kaliya, iyo sidoo kale dhul ilaa 150km ah oo ka tirsan degmada Gablalu ee gobolka Sitti in map ka lagu raaciyay deegaanka Canfarta loona qoondeeyay 4 tirakoobe oo qudha, taasina abuurtay shaki wayn oo ah in dhul kamida degmooyinkeena deegaano kale laraaciyay in lahubiyana ay waajibtahay.

Maamulka degmada Mooyaale ayay masuuliyiintu sheegeen inay cabasho usoo gudbiyeen gudiga heer deegaan taasoo sheegaysa inay maamulka Oromiya kusoo dareen liiska qabaleeyadii 4ta ahaa ee ayna af-tidu kadhicin labo qabalee oo kale kuwaas oo uuna waligood wax muran ihi kajirin oo ay soomaalidu leedahay.

Gabagabadii ayay gudigu usoo gudbiyeen bulshadu inay isdajiyaan kana war sugaan xukuumada oo ku hawlan sidii ay jawaab cad oo bulshada qancisa uga keeni lahaayeen gudiga tirakoobka heer fadaraal iyo wakaalada CSA da xarunteeda guud ee magaalada Addis Ababa xiligaas oo ay gudiga xukuumadu faahfaahin kasiin doonaan bulshada warbaahintana kala hadlidoonaan.

Waxayna uga digeen bulshada deegaanku inayna ku kadsoomin wararka been abuurka ah ee ay fidinayaan xoogaga raba inay qalalaase iyo xasilooni daro kadhex abuuraan deegaankeena kuwaasoo dano gaar ah wata iskana dhigaya inay bulshada u damqanayaan.