Maxaa ku Qarsoon Waallida Diblomaasiyadeed ee Kenya ku dhaqaaqday?

Tallaabada ay qaadatay dawladda Kenya ee ay xidhiidhka diblomaasiyadeed ugu jartay Soomaaliya ayaa noqotay mid lama filaan ah oo ku soo beegantay xilli aan la fileyn, iyadoo xidhiidhka labada dal uu marayey heerkii ugu fiicnaa.

Mar kaliya ayey dawladda Kenya abuurtay xiisad diblomaasi kadib markii ay u yeedhatay safiirkeedii magaalada Muqdisho, kuna amartay safiirkii Soomaalia inuu dalkeena isaga baxo, waxayna sababta ka dhigtay in Soomaalia ay xaraash ama iib ku bixisay xuduud ka mida badda lagu murusan yahay ee Kenya sheegato, waxayna si ulakac ah u weeraray dawlada Soomaalia.

Qoraalka Dawladda Kenya iyo sida uu u hadlay xogahaya wasaaradda Arrimaha dibadda ee dalkaasi Macharia Kamau marka la eego waxaa su’aalo badan ka dhalanaya ujeedka Kenya arrintan ka leedahay, waxaana muhiim ah in madaxda Soomaaliya ay si weyn uga fiirsadaan arrintan inta aysan jawaab ka bixin.

                  Waxaa la ogyahay Arrimaha soo socda:

In Soomaalia iyo Kenya ay isku hayaan dacwad ku saaban xuduudka Badda ee labada dal u dhaxeeya oo hortaalla Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Kenya waxay muddo dheer olole ugu jirtay in dacwadaasi lagu dhammeeyo xeer jajab iyo heshiis ay la gasho madaxda Soomaaliya, si ay qeyb uga hesho Badda Somalia ee ay sheegatay oo lagu tuhmayo Gaas iyo Shidaal.

In dowladda Kenya ay hore shirkado Shidaal ugu siisay Qandaraas inay shidaal iyo Gas uga baaraan Badda Soomaaliya ee Kenya ay sheegatay, iyadoo dacwadii dowladda Somalia ka mid ahayd kiiskan horyaalla maxkamadda dunida.

Dowladda Kenya waxay ka cago jiiday dacwadda badda ee Soomaalia ay u gudbisay Maxkamadda Adduunka, waxayna mar kasta u taagan tahay in madaxda Soomaalida cadaadiso.

Iyadoo ay Arrimahaas oo dhan jiraan ayaa waxaa iska cad in Kenya ujeedkeedu yahay arrimaha soo socda:

In dawladda Kenya ay ka hor dhaceyso dacwadda maxkamadaha adduunka ee ICJ oo laga yaabo in laga xukmiyo.

Inay arrintan tahay kiis abuur oo cadaadis lagu saarayo madaxda dowladda Soomaaliya si ay u hesho waanwaantii ay mudadda dheer raadineysay ee ahaa in xal hoose laga galo muranka xuduudka Somalia iyo Kenya.

              Haddaba madaxda Soomaaliya maxaa looga baahan yahay:

Inay si deganaan ah xaalada u wajahdo, iyadoo la difaacayo Qaranimada Dhuleed iyo Badeed ee Soomaaliya.

Inaan marna laga aqbalin Kenya inay yareysato Qaranimada Soomaalia, isla markaana aan wax tanaasul ah laga sameyn Dacwadda badda ee taalla Maxkamadda Cadaaladda Dunida.

Waa arrin kale oo tijaabo u ah hoggaanka xilligan dalka ka jira oo ay ku caddeyn karaan Soomaalinimadooda, lana eegi doono sida ay xaaladdan u wajahaaan.

Guud ahaan dadka Soomaalida waxaa la gudboon inay u midoobaan oo aan loo kala harin difaaca dalka iyo Qaranimada.