Kenya oo wali sanka ka hor marmari Soomaaliya Sadex Shuruudoodna ku xidhay in xal laga gaadho Xiisada badda Soomaaliya.

Waxaa meeshii ugu xumaa abid  gaadhay Xidhiidhka Dublumaasiyadeed ee u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii Xukuumada Nairobi ay shaacisay in xidhiidhka Diblumaasiyadeed u jartay dalka Soomaaliya.

Xiisada Diblumaasiyadeed ee hada u dhaxeeya labada wadan ayaa noqotay mid si weyn loo hadal hayo, waxa ayna dowlada Kenya shuruudo adag ku xidhay in xal laga gaadho xiisada Diblumaasiyadeed ee kala dhaxeeya Dowlada Soomaaliya.

Kenya ayaa sadexdan Shuruud ku xidhay Wadahadal Diblumaasiyadeed ay la yeeshaan Soomaaliya.

1-      In Soomaalia ay sidda ugu dhaqsaha badan kaga laabato Khariidada lagu soo bandhigay Shirweynihii Dhaqaalaha ee dhawaan lagu qabtay magaalladda London, oo ay Soomaalia ku sheegatay xuduud-baddeedka Kenya.

2-       Inay DFS u sheegto kuwa iibsaday Xirmooyinka Shidaalka iyo Gaaska ee Xaraashkii London inay Soomaalia lahayn Deegaankaas waa sidda ay hadalka u dhigeen.

3-      Dowladda Kenya waxay kaloo doonaysaa in Xalka Muranka Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya labada Waddan in xal saaxiibtinimo (xaalmastuur) oo la isla oggol yahay wada gaadhaan oo ka baxsan Maxkamadda Caalamiga ee ICJ.

Masuul katirsan Dowlada Kenya ayaa sheegay in shuruudahan hadii ay Soomaaliya ogolaato macquul tahay in lawada hadlo xalna laga gaadho xiisada diblumaasiadeed ee hada labada wadan u dhaxeysa.

Dowlada Kenya ayaa ujeedkeeda ugu weyn yahay in Soomaaliya ka laabato Dacwada Muranka Badda ee kala dhaxeeya dowlada Kenya, waxa ayna Kenya rumeesan tahay hadii Maxkamada dacwadan loo daayo in aysan waxbo heleyn oo guul dareesaneyso.