Farmaajo iyo Geele Oo Kulan Xasaasi Ah ku qaatay dalka Jabuuti.+Sawiro.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wada hadallo midhadhal ah Qasriga Madaxtooyada Jabuuti kula yeeshay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada Madaxweyne ayaa si qotodheer uga wada hadlay xidhiidhka walaaltinimo ee ay wadaagaan labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa. Madaxweynayaasha ayaa sidoo kale kulankooda ku lafo-guray xaaladaha guud ee gobolka bariga Afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Dowladda Jabuuti uga mahadceliyay kaalinta ay ciidamada Hiil Walaal ka qaataan xasilinta iyo nabadeynta Soomaaliya, waxayna labada Madaxweyne adkeeyeen in la daradargeliyo hawlgallada Soomaaliya looga sifeynayo kooxaha xagjirka ah.

Safarka Jabuuti ee Madaxweynaha waxaa qayb ka ah Wasiirka Gaashaandhigga Mudane Xasan Maxamed Cali, La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Mudane Cabdisaciid Muuse Cali iyo Taliyaha Ciidamada Xoogga Dalka Mudane Daahir Aadan Cilmi (Indha-Qarsho).

Safarkan ayaa ku soo beegmay xili dawlada Soomaali ay la dalaadhacayso culays siyaasadeed oo ay saartay dawlada kenya xiisdda ku saabsan badda Soomaaliya.

Warar kale oo lagu kalsoonaan karo oo aanu ka heleyno Jabuuti ayaa sheegaya inuu dib u dhac uu ku yimid kulan lagu waday in Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ku dhex mari lahaa magaalada Addis Ababa.

Kulankan oo qaban qaabadiisa ay waday dowladda Itoobiya ayaa qorshihiisa ahaa in Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi la kulansiiyo inta ay ku guda jiraan safarkooda Addis Ababa.

Caqabadaha ka hor yimid qabsoomida kulankaas ayaa ah cida yeelaneysa doorka dhex dhexaadinta iyo heerka kulanka labada dhinac.

Madaxweyne Farmaajo oo xalay gaadhay Jabuuti ayaa la filayay inuu maanta tago Addis Ababa, hase ahaatee waa uu baajiyay, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa inuu dhamaadka bishan February uu tago Addis Ababa, marka uu ka soo laabto magaalada Sharmal Sheekh oo uu uga qeyb galayo shirka Jaamacadda Carabta iyo Midowga Yurub

Dowladda Itoobiya ay waday dadaal ay ku dooneyso inuu shirkaas dhaco, isla markaana kulansiiso Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi.

Dhinaca Muuse Biixi ayaa goor dhow ka dhoofay magaalada Hargeysa, isagoo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa, kaddib martiqaad uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya.