Daad ku soo fatahay Suuqa wayn ee Ashawa ee ku yaal magaalada Diridhabe.

 

Diri-dhaba(XeerNews24) Wararka ka imaanaya magaalada Diridhabe ee caasimad labaad ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya in daad ku soo fatahay suuqa wayn ee Ashawa, daadkan ayaa ka yimid meelo ka baxsan magaalada gaar ahaan buuralaydda. halkaas oo roobab waawayn ka da’een maanta.

Sidda la soo wariyey Cidina waxba kuma noqon daadkan, iyadoo dadka aagaas wax ku iibiya loosii sheegay in biyo daad ah uu kusoo wajahan yahay, isla markaana alaabahooda ka gurtaan.

Ashawa waa suuq wayn oo alaabta bagaashka lagu iibsho, sidoo kale waa goob dadku ka raacaan gaadiidka yaryar sidda baajaajta ee xaafadaha magaalada u kala goosha.