Xukuumada Soomaali-State oo Kugacan Saydhay Qorshaha Tirakoobka Iyo Wada Xaajood.

 

 

Waxana tan iyo intii la shaaciyay tirada diiwaan galiyayaasha deeganada dalka soo yeedhayay cabashooyin ku salaysan sidda loo qaybiyay diiwaan galiyayaasha.

Hadaba deegaanka Soomaalida ayaa wuxu ka mid yahay deegaanada sidda wayn uga biya diiday tirada lasiiyay ee goob tirakoobyada iyo tira diwaan galiya-yaasha waxayna arintaasi keentay in xukuumada Soomaali-State ay si waafaqsan sharuucda dalka waxay mawaqafkeeda arintay ku aadan ugudbisay wakaalada tirakoobka qaranka iyo xafiiska PM Abiy Ahmed.

Hadaba iyadoo arintaasi laga duulayo ayaa xafiiska raysalwaraha dalku ku amray wakaalada diiwan galinta inay ka jawaaban dhawaqa kayimid deegaanka Soomaalida waxaana maalinta bariya magaalada Addis Ababa uu kulan baladhan ku dhax maridoona madaxda uugu saraysa dowlada deegaanka Soomaalida iyo madaxda wakaalada tirakoobka dalka iyadoona si qoto dheer laysula eegi doono sobobta keentay in deegaanka Soomaalida oo ah deegaanka 1aad ee uugu dhulka balaadhan uu qoondo uhelo 7000 oo diiwaan galiye halka deegaanada kale lasiiyay tiro aad ubadan xitaa kuwo ka dhul iyo dadba yar deegaanka Soomaalida.