Dhulboobka iyo Dibindaabyada Dirdhabe lagu Hayo” Qaybta 1-aad.

 

Dhalinyaro dhowr ah ayaa iga codsatay in aa taarikh-siyaasadeedka (Political history) ku aadan deegaanka Dirdhaba aan la wadaago. Waa arin iga guuxaysay.

Waxaan hadaba jeclahay in aan sadex qaabood ka dihgo:

(A) Taariikhda Dirdhaba 1500 -2019;

(B) Marxaladaha siyaasad iyo Dhaqaale ay Dirdhabe soo martay; iyo

(C) isdultaaq ii gaar ah (personal reflections).

A. Taariidhda Dirdhabe

Dirdhabe marna waa deegaan marna waa magaalo. Qaybtan inteeda badan waxaan ku lafa gurin doonaa si guuda oo marka qaar degaaan iyo magaalo ahaan aan Dirdhabe isla masaynayno.

Deegaanka Dirdhabe waxa uu leeyahay taariikh qani ah, isla markaana qiimo weny ugu fadhiya Soomaalida. Dirdhabe waxa ay ka soo dhalaashay taarikhda Geeska Afrika (Horn of Africa) xiliya ka horeeyey dagaalkii Axmed Bin-Ghazali (Axmed Guray) ee uu ku weeraray Abisiiniya. Gaar ahaan, waxa magaalada Dhirdhabe ay ahayd xarun laga abaabulo dagaalkii taariikhiga ahaa ee lagu jabiyey Abisiiniya ama waxa uu Richard Bankharisti u bixiyey “the Abyssinian Conquest.” Dagaladaasi waxay ahaayni 1540hii.

Magaca Dirdhabe xiligaas ayuu baxay. (magacan hada la oromeeyey ee “Dire Dahwa” waa fac dhow oo 1940hii si siyaasadaysan loogu bixiyey – waan u soo laaban doonaa).

Xiligii Axmed Guray, sida “Fatuhul Xabash” buuga la yidhaa sheegayo, waxa askarta Soomaalida hogaaminayey Garaad Mataan. Xiligaas beelaha sharfta leh ee Soomaaliyeed ee Gurgure iyo Ciise (Dir) ayaa daganaa Dirdhabe. Inta taariikhda la’ogyahay, wax Oromo oo xiligaas daganaa la ma hayo. Hase ahaatee markii Axmed Gurey la jabiyey ayey mudo ka dambi Oromo arligan ku soo fatahday.

Boqol sanno dabadeed jabkii Axmed Guray , ama agagaarkii 1770hii, ayaa waxa dhacay waxaa la yidhaa qaxii Oromoda ee Geeska Afrika (Oromo migration). Inkasta uu qaxaasi Oromo u badnaa dhina Gondor, Shawa, iyo Galbeedka Harage, kana soo kacayey Gojaam iyo dhinaca koofur, hadana fatahaasi agagaarka Dirdhabena wuu saameeyey.

Qaxa Oromo ee 1770dii dhacay ayaa sheegaya in dad Oromo ah lagu arko markii ugu horeysay dhulka Soomaalida, gaar ahaan qaybta ay dagto beesha Gurgure oo Galbeedka dhinaca buuraleyda kaga aadan magaalada Dirdhabe. Hase ahaatee dhinaca Beri-waqooyi ee deeganka Dirdhabe, madaama dhul kulul oo ingeeg u badan yahay, Oromadii soo fatahday wey ka maagtay.

Xiligaas Oromodu Muslimiin may ahayn. Inta Islaamkii lagu soo daray ayaa nabad iyo daganansho la siiyey, gaar ahaan dhinaca beesha Gurgure iyo Noola dagaan. Dhinaca Beesha Ciisa daganaashaha Oromodu waa la xakameeyey. Hase ahaatee, Oromodii martida ku timid iyo beesha Gurgure isdhex gal ayaa ka abuurmay.

Waxa kale oo iyana daganaa agagaark Dhirdhabe beesha Soomaaliyeed ee Noola la yidhaa. Waa beel inta badan hada ku milantay Gurguraha, Ciisaha, iyo Oromoda.

Hase ahaatee, xataa kan afka Oromoda ku hadlaa ee Noola waxa uu ogyahay in uu Soomaali yahay. Magaca Noola waxa loogi bixiyey, hadii aan mala awaalno, qaninimadooda iyo xoolaha badan ay lahaayeen oo waa bulshadii Noolatay. (Qaybta ugu dambeysa ayaad ka ogaan doontaan marka aan ka sheekayo kooxdii ugu horeysay ee Afan Oromo ku heesta ee magaalada Dirdhabe oo la odhan jiray Afran-Qale waxay ahaayeen Dhalin Soomaliyeed Saciid Sheekhaasna xidiga ka ahaa – 1970hii).

Xiligaas Askarrta Axmed Guray sadex xarumood oo ciidamada laga dagaal galiyo ayaa jiray:

1. Darbiga – waxa uu ka tirsanyahay Degmada Tuliguuleed, waxaanay ahay goobta ciidamada lagu tarbiyo sahaydana lagu kaydiyo. Madaama Tuliguuleed ay ahayd deegaan wax soo saar bada, waxa la malayn karaa in sahaday ugu badan ee ciidama hal kaas laga qaadi jiray

2. Harar – waa xaruntii maamulka iyo mareynta ciidamadii Axmed Gurey

3. Dirdhabe – Waa xaruntii laga abaabuli jiray duulanada Imamka iyo askartiisu ku qaadeen kuna jabiyeen Abyssinia.

Xiligaa oo ah 1560hii iyo illaa 1770, waxa la hubaa in sadex beelood oo Soomaali ahi dagananshaha Dirdhabe lahaayeen – Beelha Ciise, Gurgure, iyo Noola.

Qaybta labaa waxaan ku soo qaadan doonaa casriyeyntii Dirdhabe iyo kobocii dhaqan dhaqaale – Modernization of Dirdhabe. Fadlan inaba ha ugu yeedhina Dire Dawa – Magaca illa 1540s loo yiqiin waa magaca Soomaaliga ah ee Dirdhabe.

Bye:Faisal Roble