Xildhibaan Osman Cilmi Boqorre oo ka tirsana baarlaamaanka Soomaaliya ayaa maanta la dilay.

 War goor dhow nasoo gaadhay ayaa sheegaya in goor dhow magaalada Muqdisho lagu dqaraajiyey  xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre oo ka tirsanaa baarlamaanka dawladda federaalka Soomaaliya.

Dilka xildhibaanka, oo ay fuliyeen koox hubeysan, ayaa la sheegay inuu ka dhacay degmada Kaaraan ee magaalada  Muqdisho

Wararka ayaa sheegaya in ragga ka dambeeyay dilka xildhibaan Boqorre oo watay gaadhi ay goobta ay si deg deg ah uga baxasdeen.

Ciidamo ka tirsan kuwa booliska Soomaaliya ayaa goobta uu dilka ka dhacay tegay, iyagoo halkaasi ka qaaday meydka xildhibaan Boqorre.

Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqorre ayaa ka mid ahaa xildhibaanada ugu caansan uguna da, waynaa baarlamaanka Soomaaliya, wuxuuna xubin baarlamaan soo ahaa ahaa tan iyo dowladdii KMG ahayd ee magaalada Carta lagu soo yagleelay.

Allaha u naxariistee Xildhibaan Boqorre  oo dhalashaan ahaan ka soo jeeday degmada Saylac ee gobolka Awdal ayaa mar soo noqday guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaankii KMG ee lagu soo dhisay dalka Kenya, dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Cabdullaahi Yuusuf. Sidoo kale waxaa uu ahaa ninka ugu da’da weyn baarlamaanka Soomaaliya.

Maaha markii koobaad ee xildhibaano reer Saylac ah lagu kharaajiyo magalada Xamar waxaa Horay u jirtay in qaraxi lala beegsaday Hotel Muna ee magaalada Muqdiso ay ku dhinteen 2 Xildhibaan iyo mar kale oo isna xidhibaan Cabdilaahi Kayaad lagu dilay shirqool ka dhacay magaalada Xamar xildhibaanada oo dhamaan ka soo jeeday degmada saylac.