Oday dhaqmeedka SOOMAALIDA Kenya oo cadeeyey cidda iska leh dhul-badeedka ay Kenya sheeganeyso.

 Oday dhaqmeedka  gobolka waqooyig Bari Kenya ee Soomaalida ayaa sheegay in dhul-badeedka Kenya ay sheeganeyso ee xiisadda dhaliyey uu yahay mid ay leedahay dawladda Soomaaliya.

Tallaabo lama filaan ah oo ay qaadeen ayay qaar ka mid ah odayaasha magaalada Gaarisa ku sheegeen in Kenya ay si sharci-darro ku sheeganeyso dhul-badeed aysan lahayn oo Soomaaliyeed.

“Haddii muranka badda ka taagan loo xukmiyo Kenya, Soomaaliya waxay weyn doontaa xuduuddeeda Koonfureed ee ku teedsab Kenya” Waxaa sidaas yidhi Cusmaan Ibraahim Af-Maroor, oo ah afhayeenka odayaasha.

Odayaasha ayaa ku baaqay in xal nabdoon laga gaadho xiisadda iyo muranka waxayna sheegeen in labada waddan ay ka dhaxeeyaan dano ay ka mid yihiin in laga adkaado kooxaha argagixisada.

Hadalka odayaasha Kenya kasoo baxay ayaa imanaya ayada oo sidoo kale dhallinyarada gobolka Waqooyi Bari ay dowladda Kenya ugu baaqeen inay ‘murankan’ xal ka gaadho, ayada oo aan xagjir noqon.

Dowladda Kenya ayaa dhowaan cuna-qabateyn ugu hanjabtay Soomaaliya, ayada oo sheegtay inaysan ogolaan doonin ‘in cm ka mid ah dhulkeeda ay uga tanaasusho dal kale.’