Dawlada Pakistan oo sheegtay in ay dhulka soo dhigtay labo diyaarad dagaal oo Hindiya leedahay.

Dawlada Pakistan ayaa ku dhawaaqday inay soo riday labo diyaarad dagaal ay leedahay Hindiya, kaddib markii ay gudaha u soo gashay hawadeeda.

Xiisada u dhaxeysa Hindiya iyo Pakistan ayaa soo xoogeysaneysay saacadihii u dambeeyay, markii diyaaradaha dagaal ee Hindiya ay duqeyn ka geysteen gudaha dalka Pakistan.

Diyaaradaha dagaal ee Hindiya ayaa la sheegay inay soo galeen Hawada Kashmir qeybta ay Pakistan maamusho

Afhayeen u hadlay Milateriga dalk Pakistan Gen. Asif Ghafoor ayaa sheegay inay soo rideen labo diyaaradood oo ay leedahay Hindiya, isagoo tilmaamay in la xidhay mid ka mid ah duuliyeyaasha diyaaradda Hindiya.

Waxaa uu sheegay in labada diyaaradood midna ay ku soo dhacday dhulka ay maamusho Pakistan, midka kalena ku dhacday gudaha dalka Hindiya.

Hindiya ayaa iyadna sheegtay in saddex diyaaradood oo ay leedahay Pakistan ay soo galeen Arbacadii maanta Hawada Kashmir qeybta ay maamusho Hindiya, hase ahaatee ay joojiyeen diyaaradaha dagaalka Hindiya, dibna ay u laabteen.

Dowladda Hindiya ayaa shalay sheegtay inay duqeysay xarumo ay ku sugnaayeen Kooxda Islaamiga ee Jesh Mohamed oo dhowaan sheegtay mas’uuliyadda weerar is qarxin ah oo lagu laayay 40 askari ka tirsan Ciidanka Hindiya arintaas oo ah sababta iska hor imaadka laban dal ee loolanku ka dhexeeyo kuna hubaysan hubka wax gumaad ee nikleerka.