Qorshaha Cusub Ee PM Dr,Abiy Ahmed Iyo Qar Iska Xoorka Soomaalida.

 

Dr,Abiy Ahmed ayaa sheegay in dhawaan Xulafada Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front (EPRDF ) ay 1 xisbi noqonayso Soomaalina kubiirayso.

Ugu horayn EPRDF maaha Urur waa Xulafo/Gaashaan’buur ah kuwaas oo kakooban 4 urur kuna salaysan nidaam qoomiyadeed TPLF,ODP,ADP IYO SEPDM, waxayna leeyihiin nidaam dhisme oo midwalba ugooni ah iyo mid guud oo kadhexeeya tusaale ahaan 4tan mid waliba deegaankiisa isagaa ka,arimiya waxayse xulafo kuyihiin xukunka dhexe iyo Hanaanka maamul ee lagu dhaqmo, halka 5ta urur ee kalana ay Bahwadaag layihiin xulafada 4ta urur ah waxayna markhaati ka,ahaayeen saami qaybsiga awooda dalka oo dhan.

Hadaba waxaa in muda ah jiray codsi ka,imanayay ururada bah wadaagta ah kaasoo ahaa inay kamid noqdaan xulafada oo halkii ay 4 ka,ahayd 9 laga dhigo si loogu sinaado wixii xaq iyo xuquuqa arintaasina waxay sii xoogaysatay intii udhaxaysay 2012-2018, waxayna 2017 gudiga fulinta ee EPRDF isla qaateen in ladiyaariyo qorshihii ururadani xulafada ugu soo biiri lahaayeen iyagoo ururadooda ah balse laxuquuq siman 4tan kale waxaana loo balansanaa in ladhamaystiro kahor shirkii September 2018 balse waxaa arintan carqalad kunoqday xaaladii wadanku kujiray,iscasilaadii Gudoomiyihii wakhtigaas ee EPRDF Hailemariam Desglegn (PM)iyo burburkii xukuumadii DDS ee 4tii August 2018.

Intaa kadib wadanku wuxuu galay isbadal waxaana lafilayay in EPRDF simidaysan uhogaamiso isbadalka islamarkaana soo noolayso codsigii ururada bahwadaagta ah waxaana September 2018 laisla qaatay in mudo hal sano gudihiis ah lagu dhamaystiro kamid noqoshada ururadan ee xulafada EPRDF iyadoo ay sii jiridoonaan 9kan urur oo xulafo ah balse hal dalada kumidaysan, waxaakale oo xusid mudan in isla shirwaynihii September 2018 lasoo bandhigay qorshe kale oo ahaa in EPRDF ay marka hore noqoto 1 Urur kahor intaan bah wadaagta loo gudbin balse fikirkaasi meel magaadhin wuxuuna ahaa mid kali ku,ah shaqsiyaad uu hormuud uyahay PM Abiy Ahmed.

Wixii intaa kadanbeeyay wadanku wuxuu galay xaalad cusub oo abuurtay in xulafadii EPRDF uu shaki iyo isfahanwaa soo dhexgalo waxaana muuqata in TPLF ay gees ubaxday halka ODP iyo ADP iyana ay markii TPLF la cadaadinayo isku dhinac yihiin, waxayna xubnaha ODP gacanta kuhaya ee kasoojeeda Oromada Shawa/Buuralayda oo diin ahaan iyo dhawan ahaanba udhaw Axmaarada iyo Hogaaminta ADP ee axmaaradu ka midaysanyihiin samaynta hal urur iyagoo jiidaya SEPDM una gacan haadinaya 5ta urur ee awal hore EPRDF bahwadaagta la,ahaa iyagoo kugaadaya EPRDF oo dhan oo aad kujirtaan ayaynu hal urur kadhigaynaa balse aan wax talo ah iyo wax xog ah midna laga siinin qorshahan iyo gundhigiisa.

Ugu danbayn waxaa muuqda qorshe cusub oo Hogaanka ODP ee Buuralayda iyo ADP ay wataan kaasoo ah kuguur oo kugawrac kaasoo salaan kadhiganaya 5tan qoomiyadood ee horayba qayrkood looga reebay, waxaana arintaan cadayn uah waraysigii maanta ee Madaxa arimaha dibada EPRDF uu siiyay BBC amharic isagoo sheegay in EPRDF ay mifoobayso halka Masuul uhadlay TPLF uu sheegay inatna arintaasi kujirin iyagu.

Shaki kuma jiro inay faaiido inoogu jirilahayd kamid noqoshada xulafada EPRDF ama xulafo cusub oo dhalanaysaba iyadoo xisbigeenu inoo joogayo islamarkaana uu jiro qorshe cad oo latashi iyo bud dhig intaba aan kuleenahay bulshadeenana lagala tashado balse taasi mamuuqato.

Hadaba maxaa inoo dana? Mawaxaa inoo dana inaan EPRDF burburkeeda qolo tirada ubuuxino isla markaana aan dhumino wixii aan awal haysanay haba taag daraadee? Mawaxaa inoo dana inaan indha,laan ugu dhaco dabinada rag isu qoolay? Mawaxaa inoodana inaan dhahno cidbaan lamidoobaynaa inagoon xulafaba lanoqonin wali oo lainaga horjoogo? Mawaxaan lamidawnaa qorshe xitaa Oromo ayna kamidaysnayn oo rag isku dhawana balse kala huwan shaadhadhka laba qoomiyadood ay wataan? Jawaabtu waa dhankiina.