Dayaca iyo burburka ka muuqda dugsiyadda wax barasho ee degmadda Hadhagaala(Sawiro)

 

Kani arkaysaan waa dugsiga hoose ee Xaamud Sheekh Faarax ee degmada Hadhagaala sidda aad sawiradan ka arkaysaan waxaa ka muuqda dayac balaadhan burbur hantiyeed iyo sidoo kale amaanka dugsiga oo aan sugnayn sobobtoo ah dayrkii xitaa waa burburay agab yadii dugsiga iima muuqato meel lagu xafido mar hadii xitaa dayrkii sidaa u burburay.
Waxaa ilo wax ogaal ahi ii sheegeen in dugsigani leeyahay lacago hawl fulineed iyo kuwo dayactir intaba .
Lacagaha dayactirka ee joogtada ah waa 100,000 Birr halka lacagaha fulintuna ay yihiin kuwo joogto ah sidoo kale.
Hadaba waxaa meesha ka baxay mudadii Abdi iley iyo imikaba la xisaabtankii iyo daba socoshadii maamulka dugsiga sida uu wax u maareeyo.
Waxaa la ii sheegay dugsiga in uu maamule ka ahaa xukumadii hore iyo tani imikaba wiil magaciisa la dhaho Aden Kaka.
Waxaa halkaa ka muuqata habac maamul heer gobol ilaa heer degmo in uu jiro dhanka waxbarashada oo gobolka Sitti uu horay u galay dib u dhac iyo tayo la’aan ragaadisay dhalintii gobolka Sitti guud ahaan.
Sidaa darteed waxaan halkan talo uga soo jeedinayaa ugu horayn maamulaha dugsiga iyo maamulka gobolka ee dhanka waxbarashada in ay hurdada ka kacaan u hawl galaan sidii dib loo soo noolayn lahaa waxbarashada dugsigan iyo dhamaan gobolka sitti iyo sidoo kale in dugsiyada dayacan sida dugsigan iyo kuwo kale oo badan la dayactiro lacagaha loo qoondeeyayna sidoodii loogu maareeyo.

Sawirka Osman Daher Rayalleh.

Sawirka Osman Daher Rayalleh.

Sawirka Osman Daher Rayalleh.

Sawirka Osman Daher Rayalleh.

Wa bilaahi tawfiiq.

Qore;Osman Daher Rayalleh