Maxaa ka jira warar sheegi in Boqolaal katirsan ciidamada cirka Itoobiya La sumeeyay?

 

Wararka Laga Helayo saldhiga ciidamada cirka Itoobiya ee duleedka magaalada Debrezet ayaa sheegaya in xaalada saldhigu aysan daganayn kadib markii boqolaal katirsan ciidamada oo xanuun iskumid ahi ku dhacay Isbitaalna loola cararay.

Warkani oo ilo wareed lagu Kalsoon yahay aanu kahelay ayaa sheegaya in ciidanka Isbitaalka Ladhigay ay Kor u dhaafayaan in kabadan 260-Askari, halka dhimashadu sii marayso 11- Askari oo 2-kamidi yihiin saraakiisha dhexe ee ciidanka cirka Itoobiya.

Kudhowaad kala badh ciidanka Isbitaalka ladhigay oo Hor iyo Dabo Noqday (shubmay)ayaa xaaladooda Aad looga dayrinayaa, waxaana saldhiga ciidanka cirka oo isu badalay Isbitaal buux dhaafiyay Dhakhaatiirtii ugu Heer saraysay Itoobiya oo saldhiga loo soo daabulay.

Waxa kaliya ee Laysla dhex-marayo ayaa ah in ciidanka sun looga daray Raashinka waxaana arintaasi lagu Eedaynaya ama loo Tiirinayaa inuu yahay Qorshe dhagareed Koxoda TPLF Fulisay.

Boqolaal kamida Ehelada Askarta saldhiga kujirtay ayaa soo dhoobtay saldhiga si ay u Ogaadaan xaalada Wiilasha iyo Gabdhahooda katirsanaa Askarta xerada dagan ee Lasumaeeyay, saldhiga ciidamada cirka Debre-zet oo kamid ah saldhiyada ugu waawayn ciidamada cirka Itobiya, ayaa sidoo kalana ah saldhiga dhinaca Tababarada saraakiisha iyo duuliyayaasha ciidamada cirka Itobiya.

Khasaaraha dhimasho iyo waxyeelada kale ee ciidanka soo Gaadhay ayaa la’aaminsan yahay inay kabadan tahay inta Haatan lasheegayo oo kudhow ilaa 300- oo Askari, balse waa arin aad u adag in lahelo xaqiiqda mashaqada kadhacday saldhigaas iyo cida kadambaysay Falka u muuqda in loogu Talagalay in lagu Laayo Kumanaan Askara.