Tigreega oo 60-kun oo ciidana Geeyay xadka Axmarada iyo Halis dagaal.

 

Xiisad colaadeed ayaa si Kadisa uga dhex dilaacday mamulada Axmarada Tigreega iyo Oromada waxayna mamulka Tigreegu ciidamadii ugu badnaa oo ay Hogaaminayaan Janaraaladii caanka ahaa oo wata Gaadiidka Gaashaaman soo dhoobeen xadka ay lawadaagaan mamulka Axmarada.

Iyada oo intabadan deegaanada dalka itoobiya ay kajirto xaalad daganaansho la aaneed iyo kala danbayn la,aan baahsan taasoo sababtay inay dad kabadan 3 million oo qof ay guryohoodii kaqaxaan iyagoo lagu bartilmaameed sanayo dhaqankooda,afkooda iyo isirkooda ayaa waxaa muuqata in wadanku uu wajahayo xaalad cusub oo keeni karta in dagaal sokeeye kabilowdo.

Tan iyo markuu isbadalka siyaasadeed kabilowday dalka waxaa isasoo taraya isku dhacyada laxidhiidha sheegashada dhulka iyo xuduudaha maamulada kaladuwan ee dalka kuwaas oo kusalaysan isir/Qoomiyad.

Hadaba waxaa laga cabsi qabaa inuu dagaal kadhex qarxo labada deegaan ee Axmaarada iyo Tigreega kuwaas oo xuduud dheer leh kuna yaala dhanka galbeed ee itoobiya.

Colaada labadan deegaan ayaa salka kuhaysa Qoomiyada axmaarada oo sheeganaysa deegaano xuduud ahaan dhaca dhinaca tigreega kuwaas oo kala ah ,wolkayt iyo Raya.

Waxaakale oo jirta in labada xisbi ee kakala arimiya labadan deegaan ee ADP iyo TPLF ay horaan ahaayeen kuwo aad isugu dhaw balse hada aad ukala fogaaday arimo laxidhiidha dhanka hogaanka dalka iyo siyaasada, waxaana xusid mudan in TPLF ay hogaanka uhaysay dalka mudo kabadan 27 sano iyagoo kaashanaya ururada EPRDF kumidoobay ee ADP uu kamid yahay.

Inkasta oo uusan dhanka deegaanka tigreega kajirin wax calaacal ihi hadana masuuliyiinta qoomiyada axmaarada ayaa sheegaya in TPLF kujirto diyaar garaw dagaal oo mudo soo socday waxayna sheegayaan in xuduuda labada deegaan ay soo dhoobeen in kabadan 60kun oo sida milatariga loo tababaray kuna hubaysan qalab iyo saanad milatari oo aad culus.

B.General Tafara Mamo oo ah taliyaha booliska gaarka ah ee deegaanka axmaarada ayaa waraysi uu ESAT siiyay kusheegay in TPLF ay dhamays tirtay diyaargaraw dagaal oo lagu tababaray kumanaan dhalinyaro ah oo cusub iyo xubno horay uga tirsanaan jiray milatariga,sirdoonka iyo federaal booliska dalka, General Tafara ayaa intaa kudaray inay ciidamadan hogaaminayaan taliyihii hore ee milatariga bariga harar General Abraha Woldmariam (Kuwartar) taliyihii hore ee nabad ilaalinta Sudan Major General Tadase Worede taliyihii hore ee NISS Getachew Assefa, taliyihii hore ee sirdoonka internetka General Takleburhan Wold-Aragay (PHD) iyo saraakiil kale.

General Tafara ayaa sidookale sheegay in bubkii iyo saanadii milatari ee Itoobiya usoo iibsatay dagaalkii Eritrea uu 80% gacanta ugu jiro TPLF, wuxuuna intaasi raaciyay in guudahaanba wax soosaarkii milatariga ee shirkada METEC uu gacanta ugu jiro TPLF taasina ufududaysay inay sidhibyar isu hubeeyaan, shankooda wuxuu sheegay inayna cidna weeraraynin balse ay diyaar garaw ugu jiraan siday isu difaaci lahaayeen walow aysan TPLF sheegin in weerar qaadayso.

,,Dhawaan ayay ahayd markii madaxwaynaha Tigreega ahna guudoomiyaha TPLF uu sheegay inay boodhka kajafayaan hubkii ay kusoo halgameen siay qas wadayaasha unadiifiyaan hadii loobaahdo,,

Sikastaba xaalada ayaa umuuqata mid walaac badan leh waxaana meesha gabi ahaanba kabaxay awoodii iyo saamayntii dawlada dhexe kadib markii hogaanka EPRDF uu kufashilmay inuu isku hago ururka talada dalka haya ee EPRDF, waxayna arintani abuuri kartaa dagaal sokeeye oo itoobiya kaqarxa.

Dadka siyaasada kafaalooda ayaa sheegaya in hadii xabadi kadhex qaraxdo ADP iyo TPLF aysan halkaas ku,koob naanaynin lagana yaabo inay meesha kabaxdo dawlada dhexe hadii arintani dhacdo.