Daawo Gaadhi Booyad ah oo Ugaas Mustafe ugu deeqay shacabka reer Garba-ciise

Waa Booyadi ugu horeysa uu Aabo Ugaas Mustafe Mohamed  ugu soo deeqay magaalada Garba-Ciise iyo Nawaaxigeega  goobaha reer Miyiga ah.
Sidaad Videogu ku arkeysaan shacabku aad bey xaaladoodu u liidata,dix iyo Geed ba kumaa yaalo waa iska geeri go’an dhulka baryaha qaarkood wuxuu ahaan jiray dhul hawd ah oo leh xayawaan sidda libaax,dameer dibadeed iyo ugaadh nuuc walba leh waxaad qiyaasi karta nabaad guurka ku dhacay dhulka baaxadda u leeyahay.
Xaalada guud ee Amniga ayaa ah mid aad looga dayrin oo laga cabsi qaba weeraro gaaditaan ah ay liyuu Canfarta ku soo beegsadan Shacabka aagaas ku dhaqan .
Waxaa ila quman oo wanaagsan in degmo kaste oo ka tirsan Gobolka Sitti iney kalitooda caawinaad ay shacabka gaadhsiiyan.

Waxaan ka codsaneyna dowladda Deegaanka iyo Gobolka in la badbaadiyo Shacabkaa Ambulance la gaadhsiiyo iyo Ciidan Difaaca.Sido kale loo kuur galo si Shacabka loogu soo celin laha deegaanka ay ka tirsanayeen ee dhulka Soomaalida.

Slået op af Ismaaciil Geedi i Torsdag den 7. marts 2019