Kenya oo wadata Qorshe lagu qeybsanayo Dhul-Badeedka Muranka ka taagan yahay (55%-45%)

 

Walaaca dowladda Kenya ay ka qabto in looga adkaado kiiska dacwada badda Soomaaliya ee hor-yaalla maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa sii kordhaya, waxayna soo jeedineysa xal kheyraad wadaag ah, sidda uu qoray wargeyska The East African ee magaalada Naiorbi ka soo baxa.

Wargeyska ayaa sheegay in Kenya ay hadda wadda dadaal xooggan oo dalalka deriska la ah iyo beesha caalamka uga codsaneyso inay xal u helaan muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya.

Ilo-wareedyo la hadlay The East African ayaa sheegay in Kenya ay isku dayeyso in Soomaaliya ay ka laabato kiiska maxkamadda, islamarkaana xal ka baxsan maxkamadda la wada gaadho.

Xalka Kenya ay soo jeedineyso ayaa waxaa ka mid ah in ayada iyo Soomaalia ay gaadhaan heshiis ay ku wadaagayaan kheyraadka u badan shidaalka ee la rumeysan yahay inuu ku jiro dhul-badeedka lagu muransan yahay.

Dhinaca kale, Warar aan helnay ayaa sheegeya in Kenya ay diyaar u tahay heshiis dhigaya in Soomaalia ay qaadato 55% dakhliga kasoo xarooda shidaalka dhulka la isku haysto, halka Kenya ay heleyso 45%.

Dowladda Kenya ayaa xilligii dowladda Xasan Sheekh usoo jeedisay Soomaaliya inay qaadato 25% kheyraadka, halka ayada ay heleyso 75%, taasi oo madaxweyne Xasan uu ka diiday, waxaana hadda muuqata in Kenya ay baayactan xooggan sameysay.

Warkaysu wuxuu kalu ku daray in ay kenya;

Wargeyska The East African ee ka soo baxa Nairobi ayaa isweydiiyey in laga yaabo inay Dowladda Kenya ka baxdo Dacwadda Muranka Xuduud-baddeedka kala dhexeeya Soomaalia ee hor taalla Maxkamadda Caalamiga ee ICJ ee ku taalla magaalladda The Hague ee dalka Holland.

Wargeyska waxa uu qoray inay Kenya ku guul-daraysatay inay dalalka Deriska iyo Beesha Caalamka helaan Xal Saaxiibtinimo oo lagu xalinayo Khilaafka Xuduud-baddeedkaasi.

Ilo Diplomaasiyadeed ayaa sheegaya inay Dowladda Kenya haatan  isku tijaabinayso inay DFS dib uga laabato Dacwadda taalla Maxkamadda ICJ, si ay ugu qanciso xal ay labada dal ku wadaagayaan Horumarinta  kheyraadka Shidaalka iyo Gaaska.

Ilo kale ayaa sheegay inay Dowladda Kenya ku cadaadinayso Somalia inay dib uga laabato Khariidadii ama Maabkii lagu soo bandhigay magaalladda London ee lagu xaraashayey Xirmooyinka Shidaalka iyo Gaaska.

Si kastaba, DFS wey diiday inay la wadaagaan Khariidada Xuduud-baddeedka lagu dagaalsan yahay.

Dhinaca kale, Dowladda Kenya waxaa lagu hayaa cadaadis si ay u soo celiso Xiriirka Diplomaasiyadeed ee Somalia, kadib, markii ay cayriyeen Safiirkii Somalia, isla markaana ay u yeereen Safiirkii ka joogay Somalia.

Booqashadii Madaxweyne Farmaajo Talaadadii hore ku tegay Nairobi iyo Kulankii uu la yeeshay Uhuru Kenyatta iyo Abiy Ahmed ayaa waxay noqdeen kuwo lagu guul-daraystay, iyadoo aan xal laga gaarin Muranka Xudduud-baddeedka.