ku dhawaad tiro 30 qof ah ayaa ku dhaawacantay khal-khal ku yimid dayuurada Turkish Arilines (Daawo Sawirro)

Dayuurad ay leedahay Shirkadda Turkish Airlines oo nooceedu ahaa Boeing 777 ayaa waxaa ku yimid khal-khal dhinaca hawada ah, xilli ay maraysay Badweynta Atlantic, iyadoo u kala goosheysay magaalooyinka Istanbul iyo New York ee dalka maraykanka.

Rakaabka Dayuuradan la socday oo gaadhayey in ka badan 300 oo qof ayaa la sheegay inay cadaadis kala kulmeen dabaylo xoogan oo ay dayuuradu la kulantay, taasoo sababtay inay dhawaacmaan 30 ka mid ah rakaabkii saarnaa.

Dayuuradan ayaa la sheegay inay si nabadgelyo ah ku degtay garoonka dayuuradaha John F. Kennedy International Airport ee magaalladda New York.

Mushkiladan oo dhacday xalay xiliga magaalada New York ayaa waxaa la sheegay in gaadiidka gurmadka deg deg ah loo diyaariyey rakaabka dhaawacmay oo qaarkood uu soo gaadhay jajab dhinaca lafaha ah, waxaana loola cararay goobaha caafimaadka.