Sawirka Saylac Post.

Maayeerka Cusub ee Magaalada Diri-dhaba mudane Mahdi Giire Rooble

Warar hor dhac ah oo naga soo gaadhay magaalada Diri-dhaba ayaa sheegey in maayeerkii magaalada Diri-dhaba mudane Osman Ibrahim Faarax uu xilkii maayeerninmo ee is maamulka magaalada Diri-dhaba iska casilay.

Waxaana lagu badalay oo xilka maayeernimo ee is maamulka magaalada loo igmadday mudane;Mahdi Giire Roobleh oo si ku meel gaadh ah xilka maayeernimo loogu magacaabay,sidda la wada og yahay xilka maayeernimo ee is maamulka magaalada Diri-dhaba waa wareegto oo 5 sanno waxaa haysa Soomaalidda 5 taa sanno ee kaleena waxaa hayn doonta Oromadda mudane maayeer Osman Ibrahiim wuxuu xilka hayay muddo ku simaan illa 4 sanno wuxuuna soo maray wakhti adag oo dhibaataddi ugu xumayn taarrikhdda Soomaalida Diri-dhab ay soo martay marar badana maayeerka waxaa loo soo jeediyeey in uu is casilo marka laga duulay dhibta Soomaalidda soo gaadhay iyo sidda uu u maareeyey oo saluug badan laga muujiyey.

waxaa siddoo kale la magaacabay,Xubnaha cabinetka cusub waxayna kala yihiin;
1.Muusa Daaha xafiiska nabad galayada iyo cadaalada
2. Marwo Faadumo Mustafe madaxa xafiiska haweenka iyo dhallaanka
3.Mudane Cabdisalaan axmed madaxa xafiiska biyaha macdanta iyo tamarta.
4.marwo Muluka maxamed madaxa xafiiska waxbarashada.