Barakacayaasha Danlahelay ee degmada Afdam yaa umiciina?

 

Sida lawada ogsoonyahay dalka itoobiya gudihiisa waxaa mudooyinkii ugu dambeeyay (3dii sano ee udambaysay) ka socday walina hasii socda colaado sokeeye oo dhexmarayay deegaanada ama qowmiyadaha kuwadanool deegaanada dalku ka koobanyahay.

Deegaanka soomaalida ayaa kamida deegaanada ay colaadahaasi saameeyeen, hanoqoto colaado sokeeye oo udhexeeya soomaalida iyo oromada (Mooyaale, Hudat, Dhakasuftu, Tuli-guuleed, Baabili, Maaiso, IWM) iyo mid udhaxaysa somaalida iyo Canfarta.

Colaadahaas oo intooda badan aad moodo inay soo yaraanayaan gaar ahaan kuwii udhexeeyay soomaalida iyo Oromada, ayaa colaadii dhanka canfartu aad moodaa inay sii korodhay gaar ahaan sadexdii bilood ee udambaysay, waxaana kamida goobaha ama deegaanada dadkoodu aadka ugu waxyeeloobeen dagaaladii ugu dambeeyay qabaleeyada; MADANE, ee degmada Maaiso; DANLAHELAY ee degmada Afdam ee gobolka Sitti ee DDS.

Danlahelay oo ah goob ilaa sadex jeer dagaal adagi kadhacay guryihii iyo meheradihii kuyiilayna gabi ahaanba lagubay ayaa waxaa kusugan kumanaan barakacayaal ah oo hantidoodii kuwaayay colaadii isdabajooga ahayd ee kaga imanaysay dhanka deegaanka Canfarta, waxayna kusuganyihiin xaalad nololeed oo aad u adag.

Hay’ada badbaadada caruurta ee caalamiga ah (save the children) oo kaduulaysa baahida bani-aadamnimo ee ay kunoolyihiin bulshada barakacayaasha DANLAHELAY ayaa damacday inay uga faa’iidayso mashruuc lagu magacaabo ‘’unconditional cash transfer’’ oo loogu talagalay barakacayaasha kunool deegaanada ay hay’adu ka hawlgasho oo uu deegaanka soomaalidu kamid yahay.

Save the children ayaa 6th March, 2019 udirtay DANLAHELAY 4 shaqaaleheeda kamida ooy weheliyaan shaqaale kasocday bangiga Awaash (Awash Bank) oo usiday barakacayaasha agabkii guryaha (none food items/NFA) iyo lacag dhan 3,500,000 Birr oo loo qaybin lahaa qoysaska barakacayaasha ah.

Shaqaalihii markay bixiyeen lacag gaadhaysa 1,800,000 Birr ayuu gabalkii dhacay, waxayna soojeediyeen kooxdii lacagta waday ee kasocotay bangiga awash oo isugu jiray lacaghaye/cashier, xisaabaad iyo afar askari oo fadaraal boolis ah inay u hoydaan magaalada Cundhufo oo kamida deegaanadii 5sano kahor sida khaldan loohoosgeeyay deegaanka canfarta si ay barito aroortii ugusoo noqdaan Danlahelay lacagta hadhayna ugu qaybiyaan sidaasayna kutageen Cundhufo.

Hadaba waxaa gacanta kudhigay xabsina utaxaabay guud ahaanba kooxdii ciidanka booliska gaarka ah ee deegaanka canfarta oo ku eedeeyay inay deegaanka canfarta sharcidaro kusoogaleen (danlahelay iyo cundhufoba), lacagta ay siiyeen barakacayaashana ay ujeedadoodu ahayd inay kusoo duulaan canfarta.

Maalin kadib waxaa lasii daayay labadii askari ee fadaraal booliska ahaa ee ilaalinayay lacagta Awash Bank, intiikale iyo lacagtoodiiba (1,700,000 birr) waxay usii gudbiyeen magaalada Awash ee deegaanka canfarta waxayna udiyaariyeen inay usiigudbiyaan caasimada deegaanka canfarta ee Samara halkaasna maxkamad lagusaaro.

Laakiin wadaxaajood dheer kadib waxay maanta ooy taariikhdu tahay March 15, 2019 ogolaadeen inayna shaqaalahan isugujira shaqaale hay’ada samafalka ah ee save the children (4) iyo shaqaale kasocda Awash Bank inayna siigudbinin maxkamadna saarin, taas badalkeedna waxay codsadeen in loosoo qoro waraaq cadaynaysa inay deegaan canfari leedahay (Danlahelay iyo Cundhufo) ay fasax la’aan kusoo galeen lacagana kaqaybiyeen, taasoo kadhigan inay kuxad-gudbeen shaciga deegaanka canfarta, balantuna waa bari oo sabti ah.

Ugu dambayn, waxaa iswaydiin mudan; goobta lacagta lagusiiyay barakacayaasha waa qabalee kamida degmada Afdam ee gobolka Sitti ee DDS; gargaarkan barakacayaasha loofidinayo mid lamida waxaa dhanka deegaanka canfarta kawada hay’ada Islamic Relief, save the children na way ka hawlgashaa deegaanka canfarta oo way yaqaanaan shaqooyinka ay qabato inayna shaqo kulahayn wax siyaasad ah; goormuu deegaanka canfartu noqday dal gooni ah oo ubaahan in fasax iyo fiiso loosoo qaato? Away “Madhamar tii PM Dr. Abiy Ahmed”? DDS du miyayna ka gaabinin xal uhelida arintan? Dadka la haysto iyo kuwa la caawinayayba miyayna ahayn muwaadiniin udhalatay DDS?