Shirarka Jigjiiga iyo Silica Sitti ka socda waa Gaf iyo kala dheeri

Dhul-ballaadhsiga ciidanka liyuu policeka canfarta iyo jabhadaha arduf iyo uguguma ay ka wadaan,
Gobolka sitti.

Sawirka Ahmed Shide.

3 dii bilood ee ugu dambeysay weeraro iyo  duullaan isdaba-joog ah oo kooxahan canfartu kusoo qaadayeen shacabka xoola dhaqatada ah e kunool galbeedka sitti
Ayaa waxaa gumaad iyo khasaare xoogan loogu gaystey shacab aad utiro badan, goobihii ama qabala-yaashii ay daganaayeenna laga soo barakiciyey, guryihiina laga gubey, sidoo kale xoolihii shacabkan dhaqan jireena dhammaan looga dhacey.
Ciidanka canfartu waxay qabsadeen qabala-yaal tiro badan oo ka kala tirsan degmoyinka

Sawirka Ciiseenia Sitti Region.


Goblalu, Afdem, Erer iyo Ma’ayso iyo dhul-daaqsimeed aad u ballaadhan.

                 Qabala-yaashaa waxaa kamida,

Degmadda Goblalu,
1:- Cadayle, 2:- morohle, 3:- san-cas, 4:- cadaab-arag, 5:- gaawili, 6:- dhaqabka, 7:- Biyo dhanaane, 8:- Biyo macaane, 9:- caga-dadley, 10:- jiijaale, 11:- hamba-wayne, 12:- kurus Wayne, 13:- mageenta, 14:- dafey, 15:- dhamacle, 16:- Gaawili, 17:- kobcis, 18:- sagari, 19:- siyaal, 20:- xiigle.

Degmadda Afdem,
1:- Riya-kasoo yaac, 2:- geel-dhood, 3:- dhemanka, 4:- rug’leeya, 5:- dhabar-cadde.

Degmadda Erer,
1:- caacato, 2:- cega-uroon, 3:- faaciye, 4:- har-jin, 5:- mayran.

Dhammaan waa 30 qabale iyo dhul daaqsimeed ballaadhsan,
Dhammaan goobahan oo ay kudhaqnaayeen shacab xoola dhaqato soomaaliyeed ayaa laga soo wada barakiciyey, guryihiina laga wada gubey sidoo kale hantidii laga wada dhacay,
Goobahaas shacabka lagasoo qaxiyey waxaa hadda soo dagey oo calankoodii ka taagtey ciidamadii iyo jabhadihii canfarta.

Shacabkii dhulkaas baaxadda leh lagasoo barakiciyey oo aad u dhibaateysan
Waxay usoo qaxeen qabalaha garanni ee degmada Afdem iyo qabalaha Badhi-wayn ee degmada Erer,loogana hadhi maayo inta ee policika Canfartu way daba socdaan
Shacabkan dhibaateysan illaa hadda wax gurmad iyo gargaar ah lama gaadhsiinin.