Xogta iyo Ujeedada Rasmiga ee Madxweynaha Jabuuti Maanta ku tagaayo magaalada Mudisho.

Madaxweynaha dowladda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle ayaa lagu waddaa Saacaddaha soo socda ee maanta in uu soo gaadho Magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa Sababta uu imaanaayo magaalada Muqdisho waxaa ay tahay in uu xadhiga ka jaro Mashaariic kala duwan oo ay dowladda Jabuuti ay ka hirgalisay magaalooyinka Muqdisho iyo sidoo kale Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Geelle ayaa xadhiga ka jari doona Safaaradda Cusub ee Jabuuti oo ku taalla degmadda Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, taasoo la dhagax dhigay 2017-kii markii madaxwayne Geele booqashadda ku tagey dalka Soomaaliya.

Booqashadiisa oo qaadan doonta labo maalin ayuu sidoo kale ku tagi doonaa Magaalada Beledweyne oo ay ku sugan yihiin Ciidanka dowladda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ee Hiilwalaal.