Eritrea ma Farmaajo ayey dhabar jebisay mise qorshe kale ayaa jira?

Wafdi heer qaran ah oo ka socda dalka Eritrea oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda dalkaas, Cusmaan Saalax Maxamed ayaa goor dhow ka degay caasimadda Hargeysa ee maamulka Somaliland.

Booqashada wafdigan oo aan horay loo sii shaacin ayaa noqoneysa middii ugu horreysay, taariikhda casriga ah, oo wafdi heer wasiir ah kana socda Eritrea ay ku yimaadaan Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax-bannnaanida ee Somaliland.

Waddada dheer ee aadda madaxtooyada Hargeysa oo saaka laga mamnuucay inay adeegsadaan gaadiidka dadweynaha ayaa aheyd sida kaliya ee loogu baraarugay imaatinkooda. Waxaana qaabilaad u sameeyey madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi.

Lama oga sababta ka danbeysa booqashada wafdigan ay ku tageen Somaliland. Taniyo markii la xaliyay muran-xudduudeedkii dhuleed ee Eritrea kala dhaxeeyey Itoobiya – kaas oo dhaliyay dagaal labada dal dhex mara dhowr jeer – waxaa baal cusub u furmay siyaasadda dibadda ee dalkan yar ee noqday Jamhuuriyad ka madax-bannaan dhulweynaha Itoobiya sannadkii 1993-kii.

In ku dhow labaatan sanno, Eritrea waxaa saarnaa cuna-qabateyn aan suura-gelin inuu iska dhex arki karo siyaasadda Geeska Afrika. Waxaana u yiilay rikoor iyo taariikh aan wanaagsaneyn oo aan ka tarjumin biseyl siyaasadeed maadaama dalka deriska la ah ee Jabuuti ay mar iskula dhaceen muran xuduudeed dhex yiilay.

                            Hadda way soo laabanayaan.

Mahad waxaa looga celin karaa nidaamka is-beddel siyaasadeed ee ka curtay dalka Itoobiya kaas oo kaliya gudihiisa ka dhigin dal furfuran, balse sidoo kale kuwa jaarka la’ ah kusoo jiiday indhaha caalamka.

Hayeeshe, qofna muusan fileyn in is-beddelkaas siyaasadeed ee Eritrea uu gaari karo inay booqato Somaliland oo hadda kahor aan xiriir dhow iyo mid shishe-ba la sameynin maamulka Afarwerki.

Bilowgii sannadkan ayay ahayd markii madaxweynaha Eritrea uu booqasho rasmi ah ku yimid caasimadda Muqdisho. Waxaana taas ka horreysay mid madaxweyne Farmaajo uu ku bixiyay Asmara xilligii ay socotay kulamo is-daba-joog ah oo saddexda dal ay yeelanayeen. Kulamadii dhex marayay labada dal – waa Somalia iyo Eritrea – laguma soo hadal-qaadin aragtida siyaasadda Afawerqi ee ku aadan Somaliland.

Dad badan waxay tani u arkaan dharbaaxo kulul oo ku dhacaysa wajiga qurxoon oo Farmaajo ku qaabilay Eritrea, islamarkaana xagal-daacinaysa haddii booqashadani aysan si hoose ula socon ama aysan ka war-heynin dowladda Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in Farmaajo uu Eritrea darteed xitaa u colaadiyey Jabuuti oo walaal Soomaaliyeed ah, kadib markii uu dalbaday in xayiraadda hubka laga qaado, xilli ay haysatay dhul Jabuuti leedahay.

Arrinta kale oo aan la ogeyn inay booqashadan la xiriirto ayaa ah haddii Eritrea doonayso inay qeyb ka ciyaarto isku soo dhaweynta labada maamul ee Hargeysa iyo Muqdisho.

Waxaa kale oo jira tuhun ah in Imaaraadka Carabta uu door ku leeyahay bilowga xiriir hoose iyo mid muuqda oo dhex mara Eritrea iyo Somaliland, maadaama ay qeyb ka yihiin Mashruuca Imaaraadka ee Dekadaha Bariga Afrika. Booqashadanina waxaa la oran karaa waa tallaabta ugu horreysa.

Si kastaba, halka aysan caddeyn cidda sida gaarka ah uga faa’iideysa booqashadan, haddana waxay si cad u iftiiminaysa in madaxweyne Farmaajo uusan waxba ka beddeli Karin fara-gelin lagu sameeyo qeyb kamid ah dalka uu hoggaamintiisa ku magacaaban yahay.

Marka la joogo saameynta dalalka deriska ahna, kumaba sii jirto!

W/Q: Cabdiraxman Gacal Muuse