DAAWO SAWIRRO: Wararkii ugu dambeeyay weerarka Muqdisho.

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ka dhacay dhismaha wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha oo ku taala isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Weerarka ayaa ku bilowday gaadhi qarax ah oo lala eegtay dhismaha wasaaradda oo ku dhow xarunta taliska ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir, waxaana kadib la maqlay rasaas xoogan oo ka dhacday gudaha wasaaradda.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ku dhawad afar ruux oo hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha wasaaradda Qaraxa kadib, waxaana ay ka dagaalameen muddo daqiiqado ah, inkastoo wali dowladda aysan ka hadlin weerarka.

Inta weerarkaasi uu socday ayaa sidoo kale waxaa la maqlay qarax xoogan oo ka dhacay isgoyska Jubba, kaasi oo la sheegay inuu ahaa mid goobta lagu diyaariyay.

Waxaa la arkay shaqaalo ka tirsan wasaaradda la weeraray oo jaranjaro kaga soo dagaya daaqadaha wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, waxaana jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay weerarkii maanta.

Ciidamada amaanka ayaa xidhay dhamaan waddooyinka ku hareereysan goobta weerarka uu ka dhacay, waxaana hadda muuqata in xaaladda ay degan tahay, iyadoo ay joogsadeen rasaastii laga maqlayay goobta weerarka uu ka dhacay.

Maalmihii ugu dambeyay waxaa jiray hadal heyn la xidhiidha weeraro amaan daro  oo ka dhaci kara magaalada Muqdisho.

 

Waxaa jira warar kalee oo weli sheegi in ay kacsantahay Xaaladda Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee ku taalla Isgoyska Jubba ee dhinaca degmada Shangaani,halkaasi oo lagu qaaday weerar ku bilowday qaraxyo iyo mid toos ah .

Weerarka ku bilowday qaraxyada ayaa waxaa loo adeegsaday gaadhi laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa,waxaana markii dambe gudaha u galay Xarunta rag hubeysan oo ka dhex dagaalamaya,iyadoona jug xoogan halkaas ay ka dhaceyso.

Wararka qaar ayaa waxaa ay sheegayaan in markii qaraxyada ay dhacayeen Xarunta ay ku jireen Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Degmooyinka qaar ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa laga maqlayaa rasaasta xoogan ay isweedaarsanayaan ragga hubeysan ee weerarka soo qaaday iyo Ciidamada amniga dowladda Soomaaliya.

Goobta sidoo kale waxaa ku sugan gaadiida gurmadka deg deg ah oo dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi u qaadaya Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegayaan in uu ka dhashay weerarkaas ka socda Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowladda Soomaaliya.