XOG: Saraakiil loo Xidhay Weerarkii Shalay iyo Sirdoonka oo Su’aalo weydiinaya.

Xog gaadha oo ay heshay Wakaalada Warbaahinta maxaliga ah ayaa sheegeysa in Dowlada Soomaaliya ay su’aalo ka weydiineyso Saraakiil ciidan Qaraxyadii iyo Weerarkii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Madaxda Dalka ayaa tan iyo shalay markuu Weerarkaasi ka dhacay Xarunta Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya waxay yeesheen kulamo aan go’ laheyn, iyagoo doonaya in Dowlada ay si deg deg ah kaga jawaabto Falalka amni daro ee kusoo batay Caasimadda.

Saraakiil hoggaaminayay Ciidamada Booliska ee Waddooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho baadhitaano ka wada ayaa Su’aalo laga weydiinayaa sida Gawaadhi Qarax sidda oo ay saaran yihiin Dagaalamayaal ay Magaalada usoo dhex mari karaan iyagoo xaruntii ay doonaan weeraraya isla markaana ciidamada ay waddooyinka joogaan baadhitaanana ay wadaan.

Inkastoo si dhab ah loo heyn tirada saraakiisha Su’aalaha laga weydiinayo Weerarka ayaa hadana warar hoose aan heleyno waxay sheegayaan in laga yaabo qaarkood in la xidhay kadib markii ay ku cadaatay dayacaad amni.

Kooxaha Gurmadka deg deg ah ayaa sheegay in Ugu yaraan 10 ruux ay ku dhinteen Qaraxyadii shalay ka dhacay Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda ee Xukuumadda Soomaaliya, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay  in ka badan 20 qof sida ay xaqiijiyeen howl-wadeenada  Isbitaalada Magaalad Muqdisho.

Kooxaha ka tirsanaa Al-Shabaab ee Xarunta weeraray ayaa ku labisnaa Dharka Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo maalmihii dambe lagu wareejiyey Amniga Muqdisho.