Balantu xaga diinta iyo dadnimadaba Waa arin culus(Biki iyo Biyo La,aan)

 

Magaalada biki oo ah xarunta degmada biki-goota Ee gobolka shiniile
Waxa uu Madaxweynuhu u qaaday balan ah In uu biyo u geliyo ,
Wuxuuna amray wasiirka xafiiska biyaha In ay qorshaha ku darsadaan biya gelita magaalada si deg deg ah .
Hadaba balantii uu mustafe afkiisa uun ka sheegey Ee uu qaaaday maxaa ku dhacay?

Waxa dhacay nin agaasin ka ah xafiiska biyaha ayaa wasiirka xafiiska biyaha u sheegey In lacagta biki biyaha loogu gelinayo ay balan qaaday haayadda UNICEF taas awgeedna laga maarmo lacagtii xafiisku qoondeeyey .
Wasiirkiina wuxuu Madaxweynaha u sheegey In ay already lacagtii biki biyaha loogu gelin lahaa heleen oo ay balantii Madaxweynaha fulindoonaan.

Hadaba Waxaan daba gal ku samaynay arinkan
Waxaanan ogaanay In aysan haba yaraate jirin lacag ay UNICES ku deeqday
Sheekaduna ahayd uun in ninka agaasinka ah iyo qaar UNICEF u shaqeeya uun afka ka sheekaysteen
Kadibna uu agaasinku xog qaldan siiyay wasiirka ,
Wasiirkuna Xog qaldan siiyay Madaxweynaha,

Waxaa dhawr jeer wasiirka biyaha u yimid maamulka degmada biki
Waxaana loogu jawaabaa uun (hawshaas waan wadna)

Hadaba ninkan agaasinka ah muxuu ahaa hadafkiisu
Ma Madaxweynaha fashilibuu isleeyahay mise wasiirkaa wax la og ?

Ugu danbayn Waxaan Madaxweynaha ugu baaqaya
In uu sharafta Madaxweynenimada ilaaliyo oo uu balamaha uu shacabka u qaado fuliyo
Magaalada bikiyeed biya la’aan ta ugu daran ayaa ka jirta Madaxweynuhuna xaalka oo uu ogaaday awgeed ayuu balanta u qaaday
Ilaa hadana waxba kama qaban

Biki deg deg haloogu gurmado
Iyo guud ahaan biya la’aanta deegaanka ka taaganba
Wax halaga qabto

Agaasinka magaciisa waan qarinay haddii uu degdeg arinkaa u sixi waayo
Si toos ayaan toosh ugu qaban doonaa

Midnimo web TV