Maamulka Somaliland Oo Xabsiga Dhigtay Sarkaal Wasaaradda Arimaha Gudaha ka Hawlgalayay Oo Qaab Basaasnimo ah siro Qaran Ugu Gudbiyay Sirdoonka Dawladda Soomaaliya.

“Arintan Ayaa Ku Soo Beegmaysa Wakhti Dhawaan Uun Sirdoonka Soomaaliya Ka Codsaday Raysal Wasaare Ku Xigeenka Dalkaasi Mahdi Maxamed Guuleed Inuu Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Ku Soo Wareejiyo Sirdoon Si Gaar Ah Uu Uga Hawl Gashaday Magaalooyinka Somaliland.

Sida ay noo xaqiijiyeen ilo-wareedyo xog-ogaal ahi, waxaa saldhiga dhexe ee Magaaladda Hargeysa muddo laba todobaad ah ku xidhan, nin lagu magacaabo Yaasir Saleebaan oo sida la sheegay ahaan jiray markii hore xidhiidhiyaha guud ee wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland iyo hay’adaha caalamiga ah ee ku shaqada leh amniga.

Yaasir ayaa waxaa xidhay oo hadda gacantooda ku haya ciidamada amniga Somaliland, kaasi oo dhowr jeerna maxkamad kasoo hor muuqday, kadibna dib loo celshay. Sida ay ilo-wareedyo amni ay xaqiijiyeen, Yaasir ayaa loo haystaa eedeymo culus, sida khiyaamo qaran iyo bixin sir qaran oo muhiima oo uu u gudbiyey sirdoonka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Waxaa lagu eedeeyey inuu muddo si hoose ula shaqeynayey nabad-sugidda Soomaaliya iyo sirdoonno kale oo caalami ah, oo aan la shaacin waxa ay yihiin. Sidoo kale wuxuu Yaasir wada-shaqeyn dhaw la lahaa Sirdoonka iyo xafiiska Turkigu ku leeyahay magaalada Hargeysa.

Somaliland weli wax faah-faahin ah kama aysan bixin habka uu Yaasir ula shaqeynayey sirdoonka Soomaaliya iyo xogta uu u gudbiyey nooca ay tahay, haddiiba ay jirto. Yaasir Saleebaan ayaa waxa la shaqo geliyey xilligii xukuumadii hore ee Siilaanyo talada haysay, waxaana markaas mar loo xidhay kadib markii lagu helay khiyaamo iyo inuu fojar-gareeyay, hab khaldanna u adeegsaday saxeexii wasiirka arimaha gudaha xilligaas Waran-cade. Si kastaba, wakhtigaasi hore waxaa lagu sii daayey Yaasir qaab beelaysan maadaama uu Siilaanyo oo xiligaas talada hayey adeer dhaw u ahaa, ka hor inta aan dhowaan dib loo soo xidhin.

Arintan Ayaa Ku Soo Beegmaysa Wakhti Dhawaan Uun Sirdoonka Soomaaliya Ka Codsaday Raysal Wasaare Ku Xigeenka Dalkaasi Mahdi Maxamed Guuleed Inuu Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya Ku Soo Wareejiyo Sirdoon Si Gaar Ah Uu Uga Hawl Gashaday Magaalooyinka Somaliland.