Qaylo-dhaan iyo qarax ay 2 caruura kudhaawacmeen!

 

Mulshada xoolo dhaqatada ah ee kunool miyiga qabalaha Geeditoosan (ceelka Madane) gaar ahaan Buurta wayn ee DOORALEY ee degmada Maaiso ee galbeedka gobolka Sitti ayay qaylo katimid.

Qaar kamida shacabka deegaankaas oo maanta khadka talefoonka kulasoo xidhiidhay warbaahinta SDM ayaa noosheegay inay labo caruura (laba wiil oo midna 11 sano jirah iyo mid 13 jir ah) ay kudhaawacmeen qarax kadhashay firidh gumac (madfac’ gumicii) oo gargaraaceen iyagoo xoolo lajooga.

Dhaawaca ayaa labada wiil midkood wuxuu kasoo gaadhay bawdada firidhkii gumucuna wali wuu dhex fadhiyaa, halka wiilka kalana uu gooyay far iyo suul gacanta midig ah.

Xaaladooda caafimaad ayay noogu sheegeen inuuna ahayn dhaawac halis ah ama naf ka dhowr ah laakiin midkood ubaahanyahay qaliin si looga soo saaro firidhka gumaca dhexfadhiya.

Dhibaatadan ayay noogusheegeen inay ka dhalatay, tababar toogdhisad ahaa oo ay ciidamada qaranku bil kahor kusameeyeen buurta wayn ee DOORALEY taasooy madaafiic waawayn ku garaaceen gumicii madaafiicdaasina markay buurta kudheceen uu halkii madfacba boqolaal firidh kuus-kuusan oo beetariyada tooshka la’eg ukala yaacay banaanadana wadhanyahay oo markay xooluhu (geela iyo lo’da) ku istaagaan ama caruurtu gar-garaacaan ay ku qarxayaan.

Xubnahaas nalasoo xidhiidhay ayaa naga codsaday inaanu qayladhaantooda gaadhsiino dawlada DDS si ay iyaguna ula xidhiidhaan ciidanka qaranka ama dawlada fadaraalka si sida ugu dhakhsaha badan loogu soo gurmado oo looga uruuriyo hubkan dilaaga ah inta uuna dad iyo duunyo kale ka galaafanin.

Anaguna hadaanu nahay bahda SDM waxaanu ka codsanaynaa xukuumada DDS heer degmo, gobol iyo heer deegaanba inay sida ugu dhakhsaha badan ugu gurmadaan bulshadaas xooladhaqatada ah inta ayna dhibaatadu sii kordhin, caruurta dhaawaca ahna gargaar caafimaad loofidiyo.

ource:SDM,