Shil Gaadhi oo Sababay Dhimasho oo Maanta Ka Dhacay duleedka Magaalada Diridhaba.

Shil gaadhi ayaa maanta waxaa uu ka dhacay meel u dhaw magaalada Diridhaba oo lagu magacaabo Dhangago. gaadhiga shilka galay oo ahaa minibas ayaa ku dhacay gaadhi kale oo ahaa nooca raashinka iyo alaabaha waawayn lagu qaado.

Haddaba gaadhiga minibaska ee shilka galay ayaa siday dumar ka ganacsadda jaadka , waxayna warar ay helayso Shakabada Xeernews24 sheegayaan in tiro  kamid ah dumarkaas ay  shilka ku geeriyoodeen.

Shilalka noocan oo kale ah ayaa inta badan ka dhaca inta u dhaxaysa magaalooyinaka Diridhaba iyo Harar, ama Diridhaba iyo Jabuuti waxaana jira halka uu hadda shilku ka dhacay iyo jidka meermeeratada ah ee dhangago inuu ka dhaco shilalka u badan oo ay sabab u tahay jidka oo aad cidhiidhi u ah god wayna dhinac ka saran yahay.

 

Gaadhiga wayn ayaa isna darawalkii oo Soomaali ahaa naanaystiisuna ahayd Afwayne uu isna geeriyooday.

 

Xeernews24 Desk

Diridhaba Office