xogta xildhibankii Labada Wiil dilay oo Gacanta Lagu soo dhigay.

Wararka naga soo Gaadhay magalada Hargeele ee xarunta Gobolka Af-dheer ayaa sheegaya in Gacanta lagu soo dhigay Gacan ku dhiigle xildhiban Bashiir Diiriye oo Laba muwaadin shalay kudilay magaalada Jarati.

Gacan kudhiigle Bashiir oo xilal kala duwan kasoo Qabtay Gobolka Af-dheer ayaa ahaa xildhiban Heer deegaana ah oo degmada Jarati u matala Barlamanka Kililka, waxaanu Horay usoo Noqday Hogaanka Nabad Galyada ee degmada Jarati.

Allaha u Naxariistee Labada Wiil ee uu shalay Gacantiisa kudilay Gacan kudhiigle Bashiir ayuu isagu Horay u xidhay intii uu ahaa Hogaanka Nabad Galyada, waxayna mudo dheer kamid ahaayeen dadkii sida sharci-darada ah loogu ciqaabayay Jeelkii caanka ahaa ee Jeel Ogaadeen.

Gacan kudhiiglaha ayaa kadib markii uu Jeel Ogaadeen ku Hubsaday Labada Wiil waxaa uu Lawareegay isagu Hanti ay lahaayeen oo dhul Beereed kamid yahay, waxayna Labada Wiil Gacan kudhiiglaha ku Qabsadeen Hantidii uu kadhacay oo Beeruhu kamid yihiin taasi oo Gaadhay Heer maxkamadeed.

Gacan kudhiigle Bashiir oo Hanti badan oo dadwayne kumaqan tahay ayaa u arkay Kiiska Labadan Wiil uuna Halis kuyahay dad badana ay kudhiiran doonaan inay Hantidoodii u Qabsadaan, taasina waxay ku xambaartay inuu Allaha u Naxariistee uu Toogasho Gaadma ah kudilo Labadii Wiil.

Rabi Naxariistii Jano Haka Waraabiyee Labada marxuum ayaa kamid ahaa xubnaha Fir-fircoon ee Ururka ONLF ee kahawlgalayay degmada Jarati iyo Nawaaxigeeda, waxayna ahaayeen Laba Wiil oo dhalinyara ah oo si wayn looga Yaqaanay degmada Jarati iyo Nawaxigeeda.

Gacan kudhiiglaha oo iskudayay inuu baxsado ayay ciidamada Amaanku Gacanta kudhigeen makhribnimadii shalay, waxaana sida uu xogta nagu siiyay xubin katirsan mamulka degmada Hargeele ee xarunta Gobolka Af-dheer maanta loo qaadi doono magalada Hargeele.