Turkiga oo Iibsanaya Hubka Gantaalada Difaaca ee S-400.iyo Mareykanka oo ka cadhooday.

Dowladda Turkiga ayaa maanta diiday cadaadiska Mareykanka ee ku wajahan heshiiska ay ku iibsaneyso hubka difaaca gantaalaha Ruushka, waxayna sheegtay in Ankara ay ku guda jirto wada-hadla lagu soo gaadhsiinayo habkan oo lagu magacaabo S-400.

Madaxweyne Reccep Tayyip Erdogan ayaa ka cadheysiiiyey xulufada Turkiga ee NATO, gaar ahaan Mareykanka, kadib markii uu go’aansaday inuu iibsado habka difaaca gantaalaha Ruushka, islamarkaana uu xidhiidh dhow la yeesho madaxweyne Vladimir Putin.

Sarakaiisha Mareykanka ayaa uga digay Turkiga inuu wajihi karo cunaqabateyn islamarkaana loo diidi doono ka qeyb-galka diyaaradaha dagaalka F-35 ee Mareykanka uu sameeyo.

 

“Waxaan heshiis la saxiixanay Ruushka. Heshiiskana waa mid sharci ah. Waxaan hadda ka hadleynaa sidii habkan na lagu soo gaadhsiin lahaa” waxaa sidaas yidhi wasiirka arrimaha dibedda Turkiga Mevlut Cavusoglu oo shir jaraa’id magaalada Antalya kula qabtay dhiggiisa Ruushka.

“Ruushka waxaan la galnay heshiis, waana u hogaansamaynaa” ayuu yidhi Cavusoglu oo intaas ku daray in cadaadiska dalalka kale uu kasoo horjeedo xeerarka caalamiga ah.

Habka difaaca gantaalada ee S-400 ayaa la filayaa in Turkiga la geeyo bisha July, hubkan ayaana Turkiga ugu tala galay in uu ku xoojiyo awoodiisa gaar ahaan dhinaca Difaacada Gantaalada.