Xaalka Axmed Shide iyo Mustafe Cagjar waa Rag is Guraye.

In kaste oo ilaa iyo Hada aan kalsooni badan lagu Qabin in shirwaynaha xisbigu Qabsoomi doono maalinta loo Asteeyay ee 1-da bisha April, ayuu Gudomiyaha xisbiga oo Horay uga caga-jiiday xiliga loo Qabtay shirwaynaha waxaa ay dani ku Kaliftay inuu iska xaadiriyo magalada Jigjiga.

Labada masuul ee Talada deegaanka ugu Tunka waxay isla Gaadheen Heerkii ugu xumaa oo aynu wada Og-soon nahay in layskudayay in madaxwayne Mustaf Indha-cadays xilka lagaga Qaado, balse Geesinimo uu muujiyay iyo Taageerada shacabka uu kaga baxay dabinkii loo dhigay.

Gudomiye Axmed Shide ayaa isna Gaadhay inuu Jigjiga ka caago oo uu Awoodi waayay inuu cag soo dhigo isaga oo ka cabsanaya in ugu Yaraan lagu bah-dilo, balse ugu dambays Ra’iisal wasaraha Hortiisa ayaa Mustafe laga saxiixay inaan waxba loo raacin karin Gudomiye Axmed walibana looga dambaynayo Arimaha xisbiga, taasi waxay keentay in mudane Axmed Shide ilaa 3-safar oo uu yimid inuu mid walba saacad iyo wax lamida madaxtoyada Joogo kadibna dib ugu Noqdo Addis ababa.

Labada masuul majirto wax ay isula Hadheen mid walibana wuxuu xoog iyo Xoolo Galiyay sidii uu kan kale uga Takhalusi lahaa, Gudomiye Axmed Shidana imaanshihiisa Jigjiga ma’aha mid uu ku Farasan yahau balse xaalku waa ma Car-baa dhamid leh mise Caanaa Tufid le.

Sawirka Midnimo web TV.

In kaste oo Labada masuul ay shalay muujiyeen waxoogaa bisayl siyaasadeed ah oo si diiran Mustafe uu usoo dhoweeyay Axmed Shide, walibana uu si Jees Jees ah ugu Rajeeyay inuu Noqdo Gudomiyaha xisbiga Faasidka ah hadana waxaa Hubaala in mar kale dagaal badheedh ah u bilawday oo waxa Afka laga leeyahay iyo waxa Uurka kujira ay aad u kala Fog-yihiin.

Gudomiye Axmed Shide oo kashidaal Qaadanaya Kooxda Talada Itobiya Haysa ee ODP-da wuxuu dadaalka ugu badan Galinayaa sidii uuna madaxwayne Mustaf usoo Gali lahayn Hogaaminta sare ee xisbiga, taasi oo ah waxaan suuragal ahayn waayo waa madaxwaynihii deegaanka, sida caadada ahaan Jirtayna inta badan Gudomiyaha xisbiga waxaa ahaan Jirin wasiirka Heer Federal Somaalida kumatala Halka Gudomiye kuxigeenkuna ahaan Jiray madaxwaynaha DDS.

Labada masuul waxaa mid waliba uu Jilayaa Naget Balaay Filim lagu magacaabo ama Hadal aan Afka Baarkiisa dhaafsanayn, waxaa Hubaala in xaalkoodu yahay Rag is Guraye balse waxay si ilbaxnimo kamuuqato u Jahaynayaan  shacabka oo ay Tusayaan inay ugu Yaraan wax uun Heshiis kuyihiin, Jalaafada iyo Miinooyinka siyaasadeed ee laysu Aasayna mid uun bay Lakicidoonta ugu dambays 3-da April waa Hadii ba shirwaynaha xisbi Cabdi Iley Fasaayadiyey Qab-soomo.