Xidhiidhka Maamulka Somaliland iyo Djibouti, ( Goofka Danleyda Gaarka ah)

 

Bal dhugo dhacdadan uu soo weriyey Wargeyska The Indian Ocean. Cadadka Wargeyska Indian Ocean ee soo baxay 31-Ogost, waxa lagu sheegay in Maxamed Aw-Siciid badhtanka u fadhiyo in Sirdoonka Maraykanku dawladda Djbouti uga digeen dhaq-dhaqaaqyada sharci darrada ah ee ganacsadahan reer Djibouti ee  Shirkaddiisa ay saamiga ku leeyihiin Marwada koowaad ee Djibouti Marwo Khadra Maxamuud Xayd iyo marwada Madaxweynahii hore ee Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde.

Warqaddani ma rumaynayso, haba yaraatee, warka wargeyska laakin waxa loo soo xigatay keliya warkaas in uu tilmaan u noqdo sida ay isugu maran yihiin Hargeysa iyo Djibouti oo ay adag tahay in sahal loo kala soocaa.

Isku-marnaantu labada magaalo waxa tusaale cad u ah in shirakadaha waaweyn ee keena alaabada iyo raashinku laga leeyahay badankooda dalka Djibouti, inkastoo hantiilayaashu ay badi ka soo jeedaan deegaanka Somaliland. Xataa imika shirakadihii  saldhigoodu ahaa Somaliland waxa ay dhamaantood xarun ka dhigteen Djibouti. La yaab ma leh, waayo Djibouti waxa laga helaa adeegayada bangiyada caalamiga ah ee laga furan karo warqadda bangiyada (Letter of Credit) oo loo baahan yahay marka badeeco laga dalbanayo dal kale.

Badeecadaasi waxay ku damabaysaa dekedda Berbera iyo madaarka, halkaas oo aan cashuur buuran laga qaadin, dabeetana waxay loo sii hayaamiyaan xagga iyo Ethiopia. Imika, waxaaba la marayaa, in beedacadaha kastamka Wajaale lagula kala wareegaa ay badi toos uga yimaadaan dekeadda Djibouti. Cajiib!

Waxaa dhacda in dawladda Somaliland sii qadimato cashuurta maraakiibta raashinka keeni doonta bilaha soo socda. Halkaa ka garo in ganacsatada Djibouti iyagu firimbiga u yeedhiyaan dawaladda Hargeysa.

Waxa intaa raaca in ganacsatadan ay ku leeyihiin bakhaaro magaalooyinka Somaliland, badeecadda lagaga iibsado keliya dollar; marna ma aqbalaan shillinka. Habeen walbana waxa lacgtaas adag dib loogu xawilaa Djibouti, iyadoo la sii marinayo xawaaladaha, gaar ahaan Dahabshiil. Waa sababta ugu weyn ee sicir-bararka iyo maciishadda qaaliga ah ee danyrata halakaysay. SubxaanAllah.

Shirakadaha is-gaadhsiinta iyana xaruntoodu waa Djibouti. Bishii October 2018 ayey ahayd markii la shaaciyey in Somtel iyo Djibouti Telecom ay ku bahoobeen DARE1, bilaabeena dhigidda xadhkaha is-gaadsiinta oo isku xidhi doona Djibouti, Xamar iyo Mombasa. Xasuuso in Djibouti Telecom, iyadoo maraysa Somcable, ay ka hawl-gasho Somaliland. Ka garo furaha telefoonada Somacable oo ah 253.

Waxa xidhiidhka Djibouti iyo Hargeysa sii xoojiya in madaxda Djibouti qaarkood ay saamiyo ku leeyihiin qaar ka mid ah shirkadaha ka hawl-gala Somaliland. Kolkaa waxa aad halkaa kala soo dhex bixi sida Hargeysi u hoos timaado, dhaqaale ahaan, Djibouti. Kolkaa siyaasaddiina, maxaad ka fili? Jawaabtu waxay ku jirtaa murtida da’da weyn ee tidhaa: halka xoolo maraan ayaa xeer maraa.

Nidaamka dhaqaale ee nocaan ah oo afka qalaad lagu yidhaa “rentier economy” – Kiraale – waa in halabawlayaasha dhaqaale oodhan, ama badidooda, laga kireeyo mushtarka, amad dalal shisheeye, dawladduna ka qaadato kiro. Markaa amakaag yey kugu noqon in dekedda Berbera la kireeyey, lagana sameeyey saldhig military oo kiro laga qaato, ilayn tusaasha (role model) Somaliland waa Djibouti-ye. Nidaaamka noocan ahi ma daneeyo wax-soo-saar iyo shaqo abuur midna.

Madaxada Somaliland waxa kale oo ay Djibouti ka bawsadeen nidaamka siyaasadeed ee loogu yeedho “neopatrimonialism”, kaasoo ah nidaam dawli ah oo awoodda dawliga ahi ka soo fusho hoggaamiyaha dalka, kaas oo aan laga sooci Karin haya’adaha dawliga ah iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay, la naasnuujiyo kuwa taabaca, la dhaqaale takooro kuwa ka leexada. Somaliland duruustaas si wacan ma u qaadatay? Adigaan kuu daayey, akhriste!

Xagga Siyaasadda waxa aan muran lahayn taageeradii laxaadka lahayd ee ganacstada Djibouti iyo dawladda Djibouti ba, si dadab ah, ay u siiyeen xisbiga Kulmiye doorashashooyinkii madaxtooyada ee 2017. Warka suuqu waxa uu arrinkaa u nisbeeyaa ilaalinta hantida Djibouti ee taala Somaliland iyo in lagu aamini karo keliya xididka madaxtooyada Djibouti. Ogow  siyaasadda dibeddu waa muraayadda siyaasadda gudaha.  

Ma ilaabine, aan ku noqdee, sidee bay m/weyne Geele ugu suuragashay in uu dheesha la ciyaari karo, isku mar, Xamar iyo Hargeysa? Masrixiyadda Xidhiidhka caalamiga ahi waa sida dheesha taangada oo kale. Jiluhu, qof ayuun buu la ciyaari karaa taangada, ammintaas. Djibouti si wacan ayey ula dheeshaa Hargeysa iyo Xamar ba, isku mar.

Hargeysa qudheedu ma yaraysato dheesha: waxay la haystaa Djibouti iyo Imaraadka oo xidhiidhkoodu colaad lagu sifayn karo. Suaashu waa: sirtu xaggay ku jirtaa?

Jawaabtu waa sahal: danaha gaarka ah ee ka dhexeeya budhtuurka (elite) Djibouti iyo Hargeysa, ayaa ka weyn ta xidhiidhka khaarajiga ah.

Kolkaa miyaanay taasi Xamar werwer gelinayn? Maya. Inta danleyda gaarka ee Hargeysa iyo Djibouti xeedho wadaagta leeyhiin, Djiboutina ay ka go’an tahay midnimada Somalia, Xamar walaac ma qabto.

Taasi xaggay dhigaysaa shacabkii Somaliland ee soddonka sanno, gooni-isu-taagga loo sheegayey? Tiraabtu waa ma garanayo. Ku daa: Shacabkay u taal!

 

Indhaha m/tooyada Djibouti, m/weynaha xarunta Hargeysa fadhiyaa waa sidii governor hoos yimaada iyaga. Waan la cadaysan uun. Hargeysina waa ku raali sidaas.

Wa Bilaho Towfiiq

Maxamuud C/allhi Axmed

Daneeya Wadajirka Somalida UK