Dhulboobka iyo Dhibaatooyinka Dirdhabe” Qaybtii 4-aad.

 

Gabogabada Hawl-galkii Axmed Guray: Qaybtii sadexaad waxaan iskor taagnay ciidamadii Axmed Guray iyo qaabka ay u habaysnaayeen.

Waxaan si guud u dul marnay in ay sadex waaxaad ahaayeen. Si gaar ahna waxaanu xusay ciidamdii xeelada dheeraa ee Malasay la odhanaayey.

Malasay waxa ahaayeen qayb si gaar ah u tababaran oo u badnaa Ilaalada Imaamka, si toos ahna ugu dagaal gali jirtay aaga uu Imaamku had iyo jeer joogo. Halkaa iigu hay waan u soo noqon doonaaya Malasay marka aan soo gaadho Dagaalkii Chalanqo iyo cida ka daagaalamaysay.

Cidamadii laxaadka lahaa ee Soomaaliyeed ee Abasiiniya weeraray waxay mudo gaaban ku qabsadeen Shawa, Goojam, Gonder, iyo weliba qaybo ka mid ah Eretira. Intaanu dhiman Imaamku, waxa ciidamada Soomaalidu maamulayeeyn Zaylac illaa Gonder deegaanada u dhaxeeya.

Xooga intaa la’egi waxa uu ka iman karaa ama ka soo ifbixi karaa oo kaliya xadaarad heer sare ah. Halgankaas xiligaas ay Soomaaalidu qaaday waxa uu ka turjumayaa in Soomaalidu xoog iyo xayo ku lahayd geeskan Africa. In ay xadaarad milatari intaas qabsan karana dhisi kartay.

Xadaarada Soomaalida

Soomaalidu marna saaxada xadaaradaha kama bixin ilaa xiligii Islaamku soogaly Afrika. Soomaaliya waxa horumood ka tahay meelaha uu Islaamku ugu soo hor galay. Waxa uu Soomaali ahaan ina soo gaadhay Qarnigii 11aad. Waa xiliga la dhisay masaajidka ugu facaweyn Geeska Africa, waana Masaajidka Cabdulcasis ee illaa hadeer ku yaal xeebta Muqdishu ee Cabdulcasis.

Waxgaradka Itobiya qaar ka mid ah ayaa isku dayey in ay su’aal ka keenaan xadaarada facweyn ee Soomaalida. Buug uu Mangistu Xayla Mariyam meal galiyey uuna qoray Dr. Laabiso Dhilebo (1983) ayaa ka mid ah mashruucaas. Dr. Laabiso buuguisa, Nidaamkii Nidaamkii Gabaarka Itoobiya iyo Bilowgii Hatigoosiga intii u dhaxaysay 1900 -1966, o) uu aad ugu xusay xirfad iyo xooga Axmed Guray. Waxase uu ku gabogabeeyey in “bulsho xoola dhaqata aanay isku keeni kareyn quad intaas la’eg.”

Dr. Labiso dhowr arimood ayuu gafay. 1. Xadaarada uu Axmed Guray dhaxlay waxay soo taxnaayd illa xiligii Faraaciinta iyo casrigii Bershiya (Persia). Dr. Cali Cabdi Raxmaan Xirsi oo qoray “Saamaynta Xadaarada Carabtu ku Reebtay Soomaalida,” 1986, waxa uu soo bandhigayaa in Saldanadihii kala duwanaa ee Soomaalidu xidhiidh la lahaayeen Shiinaha, Bershiya, Hindiya iyo Carabta. Xidhiidhadan qaarbaa jiray intaanu Islaamku u iman Soomaalida.

Waxa kale uu Dr. Laabiso gafay in xadaarada Soomaalidu ilaa qarnigii 11aad, waa inta si fiican u qorane, ay ka amba qaadi jirtay ama ka fircami jirtay bulshooyin Beraley ah, kaluumaysato iyo xoola dhaqatada isugu jirta.

Askarta Axmed Guray waxa ay iskugu jiraan beeraley, magaalo joog iyo xoolalay intaba (fiirso Fatuhul Habash). Askartu waxay ka kala yimaadeen Maid, Bulaxaar, Banka Jigjiga, duleedka Baabili, Balbalayti, Aderi, iyo nawaaxiga Dirdhabe.

Aagaas o’odhan waxaa ku dhaqan bulshooyin Soomaaliyeed oo dhaqan-dhaqaalahoodu yahay beerolay, xoolalay, iyo mushtar magaalo. Dr. Labiso waxaa qaaday caadifad iyo waxa afka qalaad loo yaqaan stereotype ama fakir qaldan uu Soomalida ka qabay Axmaarkuna faafisay.

Weerarkii laga duulay Webiga Dir (Dirdhabe)

Mar ay taariikhdu ahayd 1543 aya hub cusub oo cari ahuga soo dagay Zaylaca. Mar hadii hubkii la keenay, waxa xigtan in hogaamiyayaashii weerarku isasoo xaadiriyeen. Goobtii Adari ayey isxaadirintu ka dhacday.

1. 70 rer- Mahra (meheri ama yamen ayey noqon karaan) ayaa soo gaadhay xaruntii abaabulka waxaan soo jiitay jihaadka la isku diyaarinayo. Hogaamiye Al Mahri Said bin Sa’ban al-Mahri iyo Axmed bi Salman al-Mahri
2. Mareehaan uu hogaaminayey Axmed bin Hirabu waxuu keenay 80 komandoos ah iyo 700 oo askar ah.
3. Geri uu Garad Matan hogaaminayo waxa uu keenay 80 komodoos iyo 1,000
4. Gurgure uu hogaaminayo Garad Cabdi 30 komandoos ah iyo 1,000 askar.
5. Habar Maqdi (Isaq) oo Garad Dauw waxay keeneen 50 ka maandoos iyo 500 oo askari.
6. Ciidamo 1,000 ayaa Maid ka yimid ayaa xaruntii ku soo biiray,
7. Harla oo wadata Zabar reerka layidhaa ayaa Iyana ciidan keenay.
8. Hawiye oo fardoolay ahina waa soo galeen.

9. Harti oo isna ka keentay farsoley 1000 ah.

Mar hadii ciidamado 10,000 kor u dhaafay soo xaadireen, waxa loo qaybiyey aag aag.
1. Kooxda calamada cagaarka sidatay waxaa hogaaminayey Zaharbul Muhammad
2. Calan cada waxa hogaaminayey Nur binu Ibrahim oo Kusem Garad u ahaa.
3. Aaga isku dhafana waxa hogaaminaayey Garad Matan, Garad Ahmusa, iyo Wazir Addoli
4. Aaga jaalaha watay Imaamka ayaa hogaaminayey.

Dulaeedkii Dir (Dirdhabe) ayey kidi ahaanba ku soo wada xaadireen, halkaasoo ku qaadeen hujuun aan xiligaa ka hor lagu arag Abasiniya. Dir waa wabi iyo duleed saaran wabiga Awash oo Soomaalidu ilaa dhawaan daganayd.

Waana Meesha magaca Dirdhabe ka yimid. Labada beelood een ilaa hada soo xusnayna waa Gurgure iyo Ciise oo labo beelood oo waaweyn oo Soomaali ah.

Hadaan ku soo noqdo suaasha ah maxaa ku dhacay guushii Axmed Gurey, labo arimood ayaa xusid mudan:

1. Guusha dagaal waxay keentay isdhigasho, xoolo mursi, iyo nafta oo la xakamayn waayo. Mar hadii askartii Soomaalidu gadheen ilaa Gonder, waxay bilaabaan raaxo, dumar baden guursi, iyo tumasho. Intaas iyo dabeecado kale oo askartii iyo saraakiishi ku soo biiray waxay dhaliyeen dhaqankii Haaruun Rashiidba la dagay.

2. Markay taariikhdu ahay 1543, waxa Soomaalidu keentay 10,000 oo askar ah, iskugina jirta waranleyy. Waxa Abasiniyadii lagu soo ururiyey Albaabka Ankobara ee duleedka Addis Ababa. Soomaalida waxaa hogaaminayey Garad Matan oo seediyo ahaayeen Imaamka.

Abasiniayna waxa kala hogaaminayey 7 boqor, oo ahaa 5 Amxaaro ah iyo 2 Tigre ah. Sida Fatuhul Habash qorayo, 5tii Amxaradu in ay isdhiibaan ayey ogolaadeen. Laakin 2dii Tigree aha ayaa diiday.

Mar hadii laisgalay, waxyar dabadeen Garad Matan oo ciidamada oo dhan hogaaminaayey ayaa waran wadnaha kaga dhacay.

Goobtiina wuu ku shiitay. Maalin Axad ah, bishii Rabiicul Awal, mar hadii hogaankii shihiitay, kuwii Gonder iyo Goojaam gaadhayna ay fasahaadi qaaday Soomaali wey soo laabtay, dibna ugama kaban. Xadaaradii Imaam Axmad Guray hogaaminaayey waxay soo afjarmatay 1543.

Arinta Dhirdhabese halkaa ku ma dhamaan. Sidaan hore u sheegay waxaan dib u reebtay halka ay ku dambeeyeen ciidamadii sida gaarka ah u tababarnaa ee Malasay. Horaan u soo sheegnay in ay badankood ka yimaadeen Adari iyo aagaas. Markii Imamkii dhintay, waxa cidamadii Malasay dageen Aderi iskuna dhiibeen Amirkii hal kaas xukumay.

Qayta shanaad ayaan ku soo qaadidoonaa (1) taarikhda agaas Dirdhabe iyo deegaanka Soomaalida intii u dhaxaysa 1545 illa casrigii magaalada oo bilaabmay 1920hii. Waxaan si kooban u taaban donaa Wiilwaal iyo Gaalguray (1790s), Garaad Aadan, Graad Wiilwaal, Boqor Sharmarke, Ugaas Doodi iyo socdaalkii Sir Richard Burton. Hase ahaatee 1600-1790, mugdi badan ayaa taariikhda Soomaalida ka jira.

Waxa kale oon isdul taagi doonaa imatinkii Oromo ku timid Dhulka Soomaalida ee Dirdhabe.

Bye: Faisal Roble