Kulan La Filayay Inuu Dhex Maro kornayl Muuse Biixi Iyo Gancasade Axmed Cismaan Geele Oo Baaqday.

Waxa shalay si kedis ah u baaqday kulan la filayay inuu dhex maro ganacsade Axmed Cismaan Geele iyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka ayay  ujeedadiisu ahayd in lagaga tashado xiisadda ka dhalatay qorshe ay dawladda Djibouti ku doonayso in maxkamadaha Somaliland ay u fuliyaan  xukun ay maxkamadaha Djibouti gaadheen oo ah in la xaraasho xoolaha Axmed Cismaan Geele ee Djibouti. Waxa ay Djibouti dalbanaysaa in la xaraasho xoolaha Axmed Cismaan ee Somaliland.

Kulanka ayaan si rasmi ah loo garanayn sababaha baajiyay, waxase baaqashada kulankani uu ku soo beegmay markii ay Salaadiin uu horkacayo Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, cambaareeyeen qorshe ay sheegeen in dawladda Djibouti ay waddo oo ah in xukunkaas ay maxkamadaha Djibouti gaadheen ay fuliyaan maxkamadaha Somaliland oo loo xaraasho xoolaha uu Axmed Cismaan leeyahay ee gudaha Somaliland.

Xukunka ay maxkamadaha Djibouti gaadheen ee ah in la xaraasho xoolaha ganacsade Axmed Cismaan Geele ee Djibouti, ayay Djibouti dalbatay in maxkamadaha Somaliland u fuliyaan, waxaanu dalabkii Djibouti horyaalaa maxkamadda rafcaanka ee gobalka Maroodi-jeex, iyadoo ay wasaaradaha cadaaladda iyo arrimaha dibaddu saxeexeen in dalabkaasi u gudbo maxkamadaha Somaliland.

Weli ma cadda qorshaha uu Madaxweyne Biixi doonayo inuu ku maareeyo kiiskan oo abuuray dareen xaasaasi ah.

Geesta kale waxaa isna baaqday booqasho la filaayey in wafdi reer Jabuuti ah ay magaalada Hargeysa ku soo beegan yihiin,

Dib u dhac ayaa ku yimi  Wefti ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti, kuwaasi oo la filayey inay Toddobaadkan yimaaddaan Caasimadda maamulka Somaliland ee Hargeysa, sida ay shabakadaha Wararku u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Weftiga ka iman lahaa Dalka Jabuuti, ayaa waxaa la sheegay inuu hormuud u yahay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Jabuuti Xasan Cumar Burhaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Jabuuti, Xasan Cumar Burhaan ayaa waxa bishii hore Casuumad u fidiyey Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo Jabuuti kaga qayb-galay Afartan Guuradii Aasaaska xisbiga Talada Jabuuti haya ee RPP.

Rasmi ahaan looma oga sababta baajisay Weftiga reer Jabuuti ee socdaalka ku iman lahaa Somaliland Toddobaadkan, laakiin Ilo-wareedyo ayaa sheegaya in Masuuliyiinta Jabuuti ee Wasiirka Arrimaha guduhu ka mid yahay ay go’aansadeen inay socdaalkaa dib u dhigaan, maaddaama oo ay jirto hadal hayn la xidhiidha  Dacwadda Ganacsade  Axmed Cismaan Geelle  oo bulshada uu kasoo jeedaa ay muujiyeen sida ay uga xun yihiin dabagalka ay xukuumadda jabuuti ku hayso hantida  Ganacsadahaasi.

Inkasta oo xalay uu war soo saaray Bangi faransiis ah oo lagu magcaabo BCIMR oo ku dooday Ganacsade Axmed Cismaan Geelle uu soo Celin waayay Maalgalin ay siiyeen oo uu ku horumariyay Ganacsigiisa.