Madaxtooyada maamulka Hargeysa Oo Eedaysay Ganacsade Geelle Arab.

Afhayeenka madaxweynaha maamulka Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo goor dambe oo maanta ah shir jaraa’id ku qabtay qasriga madaxtooyada ayaa ganacsade Axmed Cismaan Geelle ku eedeeyay in uu lacago ka soo dhacay bangyo Faransiis ah.

Afhayeenku waxa kale oo uu eedihiisa ku daray in uu kicin iyo warqado been abuur ah sameeyay ganacsade Axmed Cismaan Geelle.

Maalmihii u dambeeyay waxay madaxtooyada Somaliland iyo tan Jabuuti dhalliil xooggan kala kulmayeen dacwad la sheegay in maxkamadaha Somaliland la hor keenayay oo ay ka dambeyso dawladda Jabuuti.