Daawo: Ganacsade Axmed Cismaan Geelle oo qabsaday Afhayeen una jawaabay dacwadi madaxtooyada Hargeysa.

Ganacsade Axmed Cismaan Geelle ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay, warbixin uu shalay Afhayeenka Madaxtooyada maamulka Somaliland uu warbaahinta ka hor akhriyey, taasi oo ku saabsaneyd Dacwada ganacsadahan.
Ganacsadaha ayaa sidoo kale sheegay in shirkadihiisi uu ku lahaa Jabuuti, qaar kamid ah ay la wareegen qoyska Madaxweyne Geelle iyaga oo kuwa kalena albaabada u laabay.