Shalay Jeel-Ogaadeen Jig-jigga Maantana Jeel-Ciise Samara


Daalimkii waynae ee Cabdi Iley iyo saraakiil Tigree ahaa oo u xaabo-qaadi jiray waxay taarrikhda ku soo maraeen tacadigi ugu wayna ee ka dhaca dalka Itoobiya 30-kii sanno ee la soo dhaafay qoraal yar iyo hadal gaaban laguma soo koobi wixii ka dhacay magaalada Jigjiga iyo guud ahaan maamulkii lagu magacaabi jiray kililka Soomaalida Itoobiya muda u xilka beenta ah u ku magacawna Cabdi Iley.
Gabood falkii iyo dhacdooyiinki fusha xuma ee Cabdi Iyo ciidankii Tigreegu kula dhaqmaayeen shacabka Soomaaliyeed waxay soo af jaray kacdoonkii iyo gaws adeygii reer Sitti ee jabshay dayrkii laga wadda maagay kacdoonka waxaa hormood u ahaa shacabka geesiga ah ee reer Sitti yar iyo wayn cirooliyo caana nuug gaar ahaa waxaa si gaar ah ugu suntaan sooyaalka kacdoonki xilka lagaga tuuray macangagii Cabdi Iley iyo kuwii uu kabo qaadka u ahaa barbaartii reer Sitti ee joog iyo jiifba u diiday Cabdi Iley.
kala Firxadkii iyo burburkii maamulkii Cabdi Iley wuxuu sababay in mudo yar gudaheed lagu soo burburshay xarunti ummadda lagu ciqaabi jiray ee ku caan baxday (Jeel-Ogaadeen)dhamaan waxaa oodda laga qaaday wixii ummad Soomaaliyeed jeelka  lagu cadaabi jiray waxaa xafaadda aduunka iyo tan dalkaba loo soo bandhigey goobihi ay ka dhaceen tacadiyaadii ugu xuma waxaa la soo bandhigey dadkii falka lagu samayn jiray oo lahaa ama ka koobna qaybaha kala duwan ee bulshadda Soomaaliyeed waxay si toos ah uga war bixiyeen qaabkii loo cadaabi jiray iyo ciddi cadaabi jirtay.
Ka dibna waxaa war baahinta laga sheegey in jeelkii jeel-ogaadeen laga saaray taarrikhda loona badalay gooba Ilaahay lagu caabudo sidda masaajid iyo wixii la mid ah.
Ka dib markii la soo afjaray murugadi iyo mashaqadi ka taagnayd jeel-Ogaadeen ee ay sababtay kacdoonkii dhalinta barbaarta reer Sitti waxaa si xeeladaysan kililka Canfarta looga hirgaliyey hab dhaqan aan odhan karno waxaa laga soo miin guurshay arrinti jeel-ogaadeen oo si dadban loogaga aargoosan dhalintii barbaarta ee reer Sitti oo loogu abaal guday waxaa ka socda is maamulka kililka canfarta.
Waxaa soo if baxay wakaalado sirdoon iyo warbaahin iskugu jira oo si maldahan iskugu duuban oo ka hawl gala meelo iyo goobo kala duwan oo ku sugan dalka Itoobiya gudihiisa iyo degmada Geeska oo leh hal hadaf oo ah in dhalinti barbaarta meel kasta lagu ugaadhsado,la daba galo,la soo qab-qabto,la basaaso,la masabido, la xidho iyo wixii la mid ah.
Xadgudubka ugu xun wuxuu maalin iyo habeen ka socda galbeedka gobolkan gees walba ka dulman ee Sitti gacanta ugu wayn waxaa xadgudubka ka geysta waa ciidamada dawlada Itoobiya ee loo yaqaan MAKAKALIYAHA waa ciidamo ka tirsan ciidanka lagu sheego ciidanka qaranka dalka Itoobiya waxay ilaalshaan jidka laamiga ah ee isku xidha dallka Itoobiya iyo jabuuti oo ah wado halbowle u ah nolosha dalka iyo dadka Itoobiya.
Ciddamadda waxay si sharciga baal marsan oo aan loo xilsaarin u soo qab-qabtaan dhalinta gobolka Sitti ka dibna waxay u gacan gashaan amma sidda la sheego ka iibsadaan is maamulka canfarta oo cadaawad gaamurtay u haya ummadda ku dhaqan gobolka Sitti.
Is maamulka Canfartuna wuxuu samaystay jeel-ciise waxaa loo baxshay oo aan wali ahayn jeel qudha balse waxaa jira jeelal fara badan oo ku kala yaal meelo kala duwan jeelashaa faraha badan waxaa loo samaystay dhalinta iyo dadwaynaha reer Sitti waxaa qudha ee dambi looga dhigina waxaa ay tahay waxaan nahay qowmiyadda Soomaalinimda ee ay ku dhagan yihiin.
Dhawaan waxaa jiray shirar iyo kulamo sidda la wariyey lagu furdaaminyaayey arinta galbeedka Sitti shirka wuxuu ka dhacay magaalada Addisababa waxaa ka soo qayb galay madaxwaynayaasha Soomaali iyo Canfarta go,aamadi shirka lagu gaadhay waxaa ka mid ahaa in wafdi isku dhaf ah loo diro degmooyinka kala ah;Garba-ciise,Cundhufa,iyo Cadaytu si loo soo darso rabitaanka shacabka Soomaaliyeed waxaa la diray illaa 6 masuul 2 Soomaali ah,2 Canfar ah iyo 2 heer fedaraal ah waxay magaalooyinka iyo degmooyinka hoos yimaad ku sugnaayeen inti loogu tala galay in ka badan ka dibna waxay ku laabteen halki laga soo diray ee ahayd Addis ababa. ilaa maanta ma jirto waxa na tiija ah oo ka soo baxay.
-Wax walba waxay u socdaan si la mid ah siddi ay xaaladu ahayd markii u Tigreegu joogay awwodda dalka is badalka la sheego maaha wax ka muuqda gobolka Sitti gaar ahaan Xiisada Canfarta.
-Ma jirto cid og tiradda guud iyo goobaha ay si rasmi ah ugu xidhan yihiin iyo qaabka loola dhaqmo amma geeri iyo nolol waxaa ay ku sugan yihiin toona ummada ay ciidamada Itoobiya u gacan gashaan is maamulka Canfarta.
-Ma jirto wax dambi ah oo loo sheegey oo ay u xidhan yihiin,
-Ma jirto war baahin siddi jeel-Ogaadeen oo kale uga hadasha xaaladda dhabta ah ee jeelasha is maamulka Canfarta.
Gunti iyo gabagabadii waxaan shacabka geesiga ah ee reer Sitti ku dhiiri galinayna in ay marna laabaan gacmaha ogaadaana in sooyaalka taarrikhda aduunka xornimo loo maro ay tahay Jeel oo ah meesha ay dhalinti reer Sitti ku sugan yihiin.