(Magaalada Dirdhabe Ciidan Soomaaliyeed waa waajib)

 

Aad baan uga xumahay dadki lagu wax yeleeyay weerarki shalay ee foosha xuma ee shacabka Soomaaliyeed dirdhaba ku dhaqan gaar-ahaan Xaafad Ciise loo gaystay .Waxaan Eebbe uga baryeynaa inu Caafimad sariica siiyo .Qulqulatooyinkan kuwa Joogsan uma Eeka xal in laga gaadho mudan.

Diredhabe waa Magaalo Soomaaliyeed Ciidanka Joogana Soomaali ahayn.Ciidanka Jooga waa Ciidan Takrifal Awoodeed u isticmaala Soomaalida markaste Soomaalidu lid ku ah Soomaalidana Beegsada halka qowmiyadaha kale uu garab siiyo si ay wax dili lahayeen iyo u Boobi lahayeen shacabka somaliyeed .Halkan ku soo koobi mayno dhibaatooyinka ay Ciidanku shacabka Soomaaliyeed ku hayaan in laga tashado waajib tahay.

Is-beddelkan Ethiopiya la sheegi ayaa ah mid ku saleysan Soomaali Beegsi.Diredhabe iyo Addis Abeba Waa labo is maamuul magaalo haddaad fiiriso farqiqa u dhaxeeya waa kala tag iyo salal.Dowladda Federalka oo u eeg mid daneyneyn Cabashada shacabka Soomaaliyeed ee Diredhaba kana fadilaya Cabashada qowmiyadaha kale ee ku yar Diredhabe.

Wali ila hadda sababaha uu isku casilay Mayorkii hore lama xaqiijin.Diredhabe Ujeedo fog baa laga leeyahay Cidna ma surey san karto sidey wax u dhici doonaan.Dagaaladan soo noqnoqon aya ah mid lagu awood tiri Soomaalida.Waxaan kalo ujeedna Dirdhabe oo kusii fidi Gobolka sitti ayado loo aaneyn Warshada fureynaa oo aynan ka ahayn uurka balse Dhul ballaadhsi uun tahay . Sido kale Guryo badan oo laga soo barakacay aya jira ila hadda Somalidu dib u dagin ay cidlo iska yihiin .

Si Xal waarta looga gaadho waa in Ciidan somaliyeed Ammaanka sugaan diredhabe loo yeelo.Tallaabada ugu Horreysa wa in Ciidan Liyuuga Soomaalida la keena Diredhabe haddi ay suurtoobeyn Waa in ciidan Gaar ah loo qoraa .
Inkastoy soomaalidu ku dhaqan diredhabe ay yara salugaan mushaarka ciidanka la siin sidaas Awgeedna ay uga gaabsadaan is qorida Ciidanka.

Hadaba Gobolka Sitti wuxu ka Kooban yahay Degmooyin aad u badan.Hadaba degmo kaste haa loo cayimo tiro kooban oo laga soo qoro .
Dhammantood haa laga dhigo Ciidanka Gaarka ah ee Diredhabe loo sameyn.

Shacabka Soomaaliyeed ee Diredhabe ku nool ha ogaadaan Ciidan Soomaaliyeed inu laf dhabar u noqon doono badbaadinta Ammniga Walaalaha Soomaaliyeed ee maalinkaste lagu xasuuqi Diredhabe loona Awood sheegan.haddi aad Ciidan is qorto kama dhigna inaad noloshii ka hadhay oo mushaar yari nolosha ku dhameysan .Taasi waa fikir xun oo la iska dhaadhiciyay adoo Ciidan iska ah aya haddan Ganacsi kale iska furan karta oo lagaga shaqeyn sido kale ganacsigaaga Ammnigiisa Adaa sugan intay qowmiyadaha kale boobi lahayeen .

Waxaan Jeclaan laha Malqabeennada Diredhabe ku sugan iney is garab tagaan ay niyad siyaan shacabka Soomaaliyeed ee ciidanka is qori raba.Kooga isu soo qoraa haddu Xaas le yahay iney ka caawiyaan wuxu u baahan yahay kooga wali iskaabulada ahna ay Garab siiyaan siduu u Abbuuran laha fursado kale oo Ganacsi ah.

Ugu dambeyn Weedha ah „Diredhabe waa magaalo Soomaaliyeed “Micno weyn bay ku fadhida. Magaalo Soomaaliyeed ma mudna In shacab Soomaaliyeed maalinkaste lagu beegsado.Addis abeba Dadkii laha baa Ammaankeega sugtay oo Ciidan is qoray Ayagaana Xakameeya Awooddaha qowmiyadaha kale ee la sheegan raba Addis abeba.
Haddaba teenna Diredhabe maxa uga ba’ay inaynu Ciidan somaliyeed is qorno si lahanshaheeda aan u ilaalsanno.
Diredhabe waa Magaalo Soomaliyeed in Ciidan Soomaaliyeed Ammnigeega Sugo waa Waajib muqaddas ah Ruux kaste oo Soomaaliyeedna masuul iska saaro wanaagsantahay.

Qore;Ismaaciil Geedi