Qoraal ku socdaa mudane Aadan Faarax Ibrahim

Madaxweyne kuxigeen Deegaanka oodhan baad utahay lkn Magaca Ree Sitti baad xilkaa ku tagtay Waa Run Aqoonyahan baad tahay balse imtixaan intoo loo maray kumasoo bixin Xilkan aad haysid ee,xasuuso maalintii Laba Madaxweyne kuxigeen baa la magacaabi la yidhi inay Dhammaan shacabka ree Sitti kusoo garan istageen ,waxayna kuu diidanaayeen inaad Kuxigeen Ladh ah oo awood buuxdo lahayn waxna qaban karayn noqotid ugu dambayna Midnimada Ree Sitti (Odyo ,Haween iyo Dhallinba) adigoo haystaad Kursiga tagtay

Waxaad Soo dhistay Wasiiro iyo kuxigeenno markii dambana Adiga iyo iyagiiba waxaad si khalad ah oo Kala jebin ah usoo dhisteen maamulkii Degmooyinka taasna dhammaan tiinba waad leedihiin eeddeeda sababtoo ah waad udhannaydeen dhisiddeeda ,meelna kuma arkin inaad bari katahay , haddaad bari ka tahayna waad ka joojin karaysay qaabka wax loodhisaayay maadaama aad adu madixii usarreeyay ahayd iyagana adu xilalkan usoo magacawday. Taas Shacabkay utaalaa oo Wanaag iyo eedba nigala xisaabtami Lkn waxaan qoraalkan uga dan leeyahay waa
-Way kusoo garabjoogsadeen shalay, maantay kuu baahanaayeenna masoo dhexjoogsan
-Dhibaatooyin ka awood badan oo kuu muuqda haystee Kama hadal oo waxkama qaban sababtoo ah Masuuliyadda iyagaad uhaysaa
-Waxaad Soo dhistay iyo waxaad Soo dhisi doontid ba ,ima khusayso inaad kuwa aan garan iyo kuwa aan garanayn ba kadhigtid ee Waxaa ikhuseeyo inaad Shacabkaa Dad Tayo iyo Damqasho leh usoo dhistid marxaladdanna ka saari karo, Xaqoogiina si buuxdo uhelaan
-Maamulka Degmooyinka khaladkii shalay Adiga iyo Saaxiibadaa ku salayseen ee Bulshada kala qaybsanaanta kuriday waxaan kugula talinayaa inaad aad uga fiirsataan (Adiga iyo ciddaad la kaashan doontid ba)Soo dhisidda ama dib uhabayntiisa , waana inaad ku dadaashaan Inaad khaladkii hora waddo saxayso oo Midnimo uhorseedayso Shacabka usoo dhistiin Tayo iyo Damqasho Umadeed inay lahaadaan baa iigu muhiimsan (Ogaw ima khusayso inaad jilibyada la iyo magacdoodu Dhammaanna Ani waa ii Hal Qooys oo mid ah)
-Dirdhabe Xaaladdeedu kaama qarsoono, Galbeed , Dhuunyar iyo Daymeed kaama qarsoono holaca ku socdo , Gablalu iyo dhulka lahaysto kaama qarsoono , Deegaan ahaanna waxaad kamid tahay labada Qof ee ugu sarreeyo Masuuliyadda Shacabkoo dhanna saarantahay Ilaa imikana Adiga iyo mustafe ba dhibaatooyinkaa waad ka aamusantihiin ,Sitti ahaanna waxaad tahay maanta Qofka ugu sarreeyo ee Masuuliyadda hayo dhibaatooyinka haystana waad ka gaabsatay (xittaa Adiga wixii kaasii hooseeyana Qofka Soo dhiso ama badilo waa Adiga) sidaa darteed ogow oo dareensanaw Masuuliyadda kusaaran. Aamusnaantu Geesinimo ma keento
Xilkan kuma waaraysid ee ka dhigo fursad aad Dadkaaga wax ugu qabatid , Gobolka Sitti Midnimadii Dhalinta iyo wadajirkoogii khaladaadkii aad Adiga iyo Saaxiibadaa ka gasheen buu wali soo ceshan kari la’ayahay sababtoo ah Inigaa haddaad daacad ka noqotiin Soo celin karo, dhexdoodana sidii hora si kasii ballaadhan isku jeclaysiin Karo lkn waa Haddii aad Maamul wanaag tustaan , ood Soo dhex joogsatiin , tallaabo walba iyo ciddaad Masuuliyad ugu dhiibaysiina Daacadnimo iyo Damqasho u eegtiin
-Dhammaan waa ninigula xisaabtami doonaa xilkan ee mid intaad haysidna ceeb iyo Eed kuu horseedo Aakhirana ciqaab kuu horseedo inuu kugu noqone . Dadkaaga Soo dhex joogso midee , codkooga Maqal , dhibaatooyin ka haystana Arag oo Dhabar iyo Daacadnimo uyeelo ,waxbadan ood awoodina way jiraane wax kala qabo. Haddaad karayna usheeg

Aqoonyahan baad tahay ee Reernimaa lagugu nacayaa Amma lagugu jecelyahay maalintaad iska dhaadhicisid baad qiimo beeli doontaa (Waxaad ku fashilantidna waa lagugu nici waxaad kasoo baxdidna waa lagugu ammaani)
Ogow Dadka Soomaaliyeed waa Qoomiyad kaliya Reee Sitti na waa Qooys kaliya oo Qoomiyadaa katirsan sida darteed Qooyskaa markaad midaysid baad Qoomiyaddaana Midayn kartaa
#Ogow Noloshoodu waa Jiritaankaaga
Way ku garabjoogsadeene Soo dhex joogso
Way dulmanyihiine Wax la qabo oo u gurmo

Sawirka Nageeye Laba'Doon.

Sawirku waa Addis Ababa Maalintii Xilkan in la Labeeyo la diidanaa Ee Aadan la watay . Xasuusin ahaan baan usoo qaatay . Thanks All

Qore;Aadan Laba-doon