Wax ka ogoow Saylac iyo saameynteedi dunidda.

 

Saylac waxay dhacdaa dhanka waqooyi bari ee gobolka Awdal ee Somaliland. Waa magaalo xeebeed tariikh dheer kule guud ahaan aduunka iyo Somaliland, oo ah magaalo taariikh guuna leh. Saylac waxay jirtay Islaamka hortii sida ku cad tariikhda iyo ansaarteeda qadiimka. Waxa la sheegaa oo taariikhyahanda aduunku isla qaateen Sayalac in boqortooyoyinkii ay Adal ka midka ahyd soo xukmi jireen, sida ku cada Buuga ay khubaro Giriiga oo cilmiga tariikhda ay qoreen.
Waxa ay ka mid tahy goobihii ugu horeeyey ee diinta Islaamku soo gaadhay. Sidoo kale wax ku yaala oo raadkoodi muuqda ilaa imika Masjidka labada qiblo leh ee midna Baytul-maqdis eegayso midna Kabcada.

1300,waxa soo gaadhay qoraagii iyo taariikhyankii reer Marooko Ibnu-Batuuta sida uu ku sheegay Buugiisa Al-buldaani inuu ka soo kicitimay dalka Yemen; safarna soo ahaa mudo Afar cisha bada ku soo jjray. Waxaa uu yidhi Batuuta “ Saylac waa goobtii ugu horeysay ee aan qaarada Afrika cago dhigto, waxa ay ahyd magaalo weyn oo gancsiyo ka socdaan. Waxa ku noolaa dad mad’madow oo diinta islaamka haysta; madahabkeeda Shaaficiyada. Waxay lahyd oo kale suuq weyn oo lagu qalo xoolaha sida Geele,Adhiga, iyo lo’da“ taas waxay ku cadeynysaa taarikha fac weyn ee dadkeenu leeyihiin.

waxay ahyd magaalo gancsi iyo marin ay wax kala soo dagaan boqortooyadii ka talin jirtay Dalka itoobiya ee loo yaqaanay Abbsiiniya. Waxa waqtigaa gadiid u ahaa awar laga reer jiray Saylac oo ilaa Herer ilaa cidhifka kale lagu gaadhsiin jiray. Qarnigii 1200,dii dvhamaadkisii waxa Saylac gacanta ku dhigtay oo la wareegtay markay arktay isiraajiyadeed iyo muhiimadeeda. Waxa isla 1342,kii gacanta ku soo ceshaday Boqortooyadii islaamka ahyd ee halkaa laga aasaasay ee IFAT oo yadu soo ceshatay Saylac.

Waxa inbadan ka soo taliyey Hogaamiyehii caanka ee islamkaa ee la odhan jiray Sacad-diin oo lagu magac daray Jaziirada Sacad-diin ee ku taala xeebta Saylac. Waxa la sheegaa in Hogaamiyaha markii la dilay ay qoyskiisu u qaxeen dalka Yemen. Mudo ka dib ay ku soo noqdaan Yagoo kaashanaya dadkii Somaalida ahaa ee mesha deganaa ay dib u asaaseen Boqortooyadii Adal oo lagu caleemo saaray wiilkiisi curud ee Safru-diin Sacad-diin.
halkaas oo ay boqortooyadii Adal ee ah halka magaca Awdal ka yimi ay iskaga danbeeyeen Qoyskii reer Sacad-diin oo mudo soo xukumayey.

Horaantii qarnigii 16,aad waxa Boqortooyadii Adal la wareegay oo hogaamiye u noqday „Axmed Ibrahin Al-qasi“ ee loo yaqaaney Axmed-Gurey kaas oo la isku khilaafsanaa qoomiyadiisa oo muran badan kaga jiran tariikhyahanda, lagun sheego mar Somali inuu ahaa Mar carabtii reer Saylac iyo quruumihii kale dhulka dagnaa.

Saylac waxa si weyn loo aaminsan yahay in ay ahayd hooyadii magaalooyinka taarikhiga ee saaran Badda Cas iyo Badweynta Hindiya sida: Berbera, Musawac iyo Bender Qaasim, xataa ay ka qaddiim sanayd Muqdisho, Marka, Malindi iyo Mombasa, waxa kale oo aan la isku khilaaf sanayn in Saylac ahayd halkii saxaabadii Rasuulku (rc) ay ka soo degeen markii laga soo eryey Maka ee ay ku socdeen Ardul Xabasha (Ethiopia).