Soomaaliya iyo Duulaankii Boortaqiiska. qormor kamid ah buugga GUURE.

 

Taariikhdu waxa ay qortaa in habar wacashadii Xabashida ee Boortaqiiska ka hor ay Soomaalidii hooggaanka u aheyd Muslimiinta mar walba ka gacan sarreyn jireen Macatableyda lagu oodey Buuraha ka fog Badaha. Markii laga itaal roonaadey ayay Helena oo ahayd Boqoraddii Xabashida intii u dhaxeysey (1507-1516kii) sidoo kalana aheyd xaaskii Zaara Yacquub (1399-1408dii) oo mar noqday Boqorka Xabashida farriin u dirtay Boqortooyadii Boortaqiiska, iyada oo ka codsanaysa in ay lasoo gaadhaan gurmad degdeg ah oo lagu samatabixinayo Masiixiyadda Geeska Afrika.“Waxa aannu nahay jasiirad Masiixi ah oo ku dhex taal badweyn Islaam ah, haddii aan nalasoo gaadhinna waxa na qabsanaya Islaamka duullaanka ku ah deegaankayaga iyo diintanadaba” ayay tiri Helena oo dhamabaal u diraysay Boqortooyadii Boortaqiiska oo xillgaa ahayd midda ugu tunka wayn Yurub.

Boortaqiisku wuxuu awood ku lahaa xagga badda, haddii ay noqoto awood ciidan iyo awood bad-maaxnimo labadaba. Sidoo kale wuxuu caan ku ahaa sameynta khariidadda iyo noocyada kala duwan ee doomaha u kala goosha daafaha dunida. Hadafka uu Boortaqiisku ka lahaa Khariidadda iyo awoodda bad-mareennimo waxa ay ahayed in uu helo jid u suura geliya in uu gaadho Bariga fog oo uu doonayey in uu ku xidho Bariga Afrika, iyo Bariga Dhexe si ay laf-dhabar ugu noqdaan ganacsigiisa, gaar ahaan Xariirta iyo Dhirta lagu udgiyo cunnada oo waagaa laheyd muhiimad u dhiganta midda uu Shidaalku maanta leeyahey.

Boortaqiiska oo xilliyada qaar ka talin jiray dhul ay maanta ku fadhiyaan 60 dowaladood sida la sheego,wuxuu si wayn ugu lug lahaa ka ganacsiga iyo addoonsiga dadka madow, budhcad-badeedka, beeridda Qasabka iyo Cudbiga dhulka Baraasiil iyo sahminta deegaanada dihin, si loo gumaysto dadka loogana macaasho dalagyada kasoo go’a. Sidaa darteed, wuxuu qarniyadii 15aad iyo 16aad Boortaqiisku isku ballaadhiyay Afrika,Aasiya iyo Ameerikada Koonfureed, wuxuuna daadiyay shabaqyadiisa ganacsi dhammaan deegaannada muhiimka u ah isu socodka ganacsiga adduunka.

Boortaqiiska oo ay dabada ka riixayeen dhawr arrimood oo ay ugu waynaayeen faafinta diinta iyo boobidda hantida, markii ay soo gaadheen Geeska Afrika, waxa ay kasoo dageen xeebaha Soomalida. Inkasta oo ay maamullo Islaami ah ka jireen dhulka, haddana ma ahayn kuwo u babacdhigi karay Boqortooyada Boortaqiiska. Sida lagu yiqiin macatableydii soo weerari jirtay dhulalka Islaamka,markii ay ciidammadii Boortaqiisku soo gaadheen dhulkeenna hooyo,waxa ay gubeen magaaladii taariikhiga ahayd ee Saylac, waxa ay dheceen hantidii tiil, waxa ayna gabood fal weyn u geysteen diinta iyo dhaqanka.

Markii ay gudaha u galeen dhulka Soomalida, waxa uu halgan dheer dhex maray Boortaqiiska iyo cutubyadii ciidammada Soomaalida, kuwaas oo loollan kula jiray Abasiiniya. Inkasta oo dharbaaxo kulul la gaadhsiiyay Boortaqiiska, Soomaalida dhulkeedana lagu dilay hooggaamiyohoodii, haddana garab istaaggiisii waxa uu ka badbaadiyay taliskii Xabasha burbur aysan waligood kasoo waaqsan lahayn. Soomalidii iyo Islaamkii ay hooggaaminayeenna waxa soo wajahay xaalad adag, sababta oo ah; Xabasha waxa lasiiyay hub casri ah, waxa aana loo tababbaray si ka duwan sidii hore, taa oo aasaas u ahayd isbaddallo ku yimid furimaha dagaalka.

Halkaa marka ay xaajdu marayso, waxa ay Muslimiintii u habar-wacdeen Boqortooyadii Cismanaiyiinta oo ka arriminjirtay Caalamka Islaamka, intii u dhexaysay 1299kii ilaa 1923dii. Boqortooyadii Cismaaniyiintu waxa ay hiil iyo hubba la garab istaagtay Soomaalida, waxa ayna siisay awood adag oo u suuragelisay in ay dib u hantaan dhulal hore ay Xabashidu u qabsatey.

Soomaalida oo og damaca Boqortooyada Cismaaniyiinta ee is balaadhinaysa, waxa ay ka baqeen in ay ku dhex milmaan jidhka weyn ee boqortooyadaas. Waxa la sheegaa in Axmed Gurey uu ka codsaday in ay iska joojiyaan hiiladooda iyo hubkooda, wuxuuna u sheegay in Soomaalidu isku filanyihiin kana adkaan karaan Xabashida iyo quwadaha taageera. Taas waxa ay ula muuqatay Booqrtooyadii Cismaaniyiinta iyo Soomaali badan go’aan aan sax ahayn. Haseyeeshee, xorriyadda wax loo dhigaa ma jiraan madaxbanaanida go’aankuna wuxuu asaas u yahey aaya ka talinta bulsha walba.

Sanado badan oo dagaalku ahaa mid wajiyo badan kolbana qowmiyadi gacan sareyso awooddii uu Boortaqiisku siiyay Xabashida waxa ay hor seedday in ka awood badiso Soomaalida oo ay dib u qabsadaan dhulkii hore looga faramaroojiyay.

Mar dambe, waxa deegaanka soo gaadhay dawladihii ree Yurub ee awooddoodu sare usoo kacdey kadib markii Boortaqiisku tabar yareeyay, Faransiiska, Ingiriiska iyo Talyaanigu waxba kama baddalin siyaasaddii caddaalad darrada ku dhisnayd ee Boortaqiisku ku dhaqmijiray.Waxa ay sii wadeen sare u qaadista awoodda Xabashida, kadib markii ay maquuniyeen cududdii ay lahaayeen Soomaalidu. Dhaawacii ugu waynaa ee uu gumaystuhu u geystay shacabka Soomaaliyeed wuxuu ahaa in uu dhulkooda u kala qaybiyay shan qaybood. Ilaa maanta shacabkayagu wuxuu ku kala xannibanyahay dalal xoog ku haysta oo aysan wadaagin diin, dhaqan, dhiig iyo taariikh midna.

Ugu dambayn, markii awooddii Soomaalida ee la loodin waayay uu kala qaybiyay gumaystuhu waxa u suuragashay in boqortooyadii Xabashida ay qabsato caasimaddii Soomaalida iyo Islaamka ee Harar, sanadku markii uu ahaa 1887dii. Gacan ku haynta Harar iyo burburkii boqortooyada Soomaalida waxa ay na dhaxalsiiyeen niyad jab tafaraaruq iyo kala firxasho.

Taariikhdaa wixii ka dambeeyayna waxa kor usoo kacayay marba marka ka dambaysa awoodda Xabashida, waxaana sii wiiqmaysay awoodda Soomaalida oo hankoodu noqday sidii ay u raadin lahaayeen xorriyad uu gumaystaha saancaddaaluhu ku laalay geed dheer.

Sida aannu ognahay, waxa taariikhda qora guulaystayaasha. Soomaalida oo ah dad laga guulaystay, dagaal dheer kadib, waxa si u la kac ah loo duudsiyay taariikhdii dheerayd ee ay ku lahaayeen Bariga Afrika. Waxa si dhib yar daah bir ah loo saaray ilbaxnimooyin geeska Afrika ka arrimin jiray kumannaan sano, sida; Bunt, Azania iyo kuwii Islaamiga ahaa ee ka hanaqaaday gayiga Soomaaliyeed.

Ilbaxnimo duudsiga Soomaalida ku dhacey waxa garab socoday buunbuunin iyo sare u qaadis taariikho gacan ku rimis ah. Waxa si weyn loo soo dhisay ka sheekaynta qorista iyo daraasaynta ilbaxnimooyinka ood-wadaagga la ah Soomaalida, sida; ilabaxnimadii Aksuum(Axum) ee Abasiiniya.