Xogta Daahsoon ee ku saabsan tagitaanka Jawar Mohammed ee dalka Jabuuti.

Sawirka Gabadh Ciise.Sawirka Gabadh Ciise.

Maalmahan Baraha Bulshada Gaar-ahaan Soomaali Galbeeed waxa madax jab ku dhaliyay Socdaalka Jawar Mahammed uu ku gaadhi doono Jabuuti Barri oo Jimca ah 19April .Si aan idin fahansiiyo xogta daahsoon, Qoraalkeygan Dhawr meelood ayaan tataaban doona si aan hadhow ujeedka Socdaalkan aan u fahanno.

<Ismail Omar iyo Siyaasada Geeska Afrika>

Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismail Omar wuxu ahaa shakhsi Saameyn Wayn kulahaa siyaasada Geeska Afrika.Dunida Oodhan wuxu ka dhaadhiciyay inu Yahay Aabo Soomaaliyeed.Balse is-beddelladan Geeska Afrika ka socda aya noqday kuwo Hoos udhac u keenay Awooddii uu kulaha Kaligi Taliye Ismail Omar kadib marku Farmaajo xilka qabtay ,TPLF na saaxada siyaasada Laga saaray wuxuuna u muuqda mid Agoonoobay ,Sii Uu Awooddiisa usoo celiyo Geed Hoos iyo mid sare ayu u fuuli doona.Tallaabada ugu horreysa waa soo celinta Cilaqaadki Ethiopiya ee TPLF-tu saaxada Siyaasad ka baxday inu ku badalo Tan Oromada

Horray waxaan idinku wacyigaliyay Ismail Omar madaxweynaha dalka Jabuuti inu maagan yahay la heshiin Oromada. Xidhiidhkii uu la lahaa Tigray-gana intuu iska tuuro kuna badalo tan Oromada uuna noqdo Kaba qaade Oromo.

Balse waxa soo caddaatay inay Oromadu Ri‘ hallowday aynan waydiin Ismail Omar waxayna u eegtahay inay ka biyo diideen xidhiidhkii uu Ismail Omar Damacsana ee Oromada.

Hadaba Ismail Omar marku is arkay In Gooni loo takoorey la diiday ayu #PLAN B u wareegay PLAN B Waa maxay Hoos baan ku sheegi doonaa PLAN B?

<Jawar Mohammed iyo Jabuuti >.

Ismail Omar Geele aya ku casuumay Jawar Mahameed inu Jabuuti soo gaadho .
Meesha Bandhiga lagu qaban doono waa Hotel Sheraton la dhaho oo Jabuuti ku yaal, waxaana lagu gali doonaa lacag dhan 3000Franka JAbuuti oo u dhigmata 485.03Birr Ethiopiyaan ah, 16.88$Dollar ah .
Luqada lagu hadli doono waa Oromo halkaasna waa Guumaysigii Oo shaadh kale soo xidhay .Dadka kasoo qaybgali doonaa Dhammaan waa loo dhan-yahay cidkaste oo Oromo taqaan iyo Englishkaba Jabuutiyaan iyo Ethiopiyaan Ciroole iyo caano nuug waa la isku arki doonaa .

<Jawar Iyo Siyaasada Ethiopiya (Oromada)>

Jawar Waa Activistiga ugu cod dheer Oromada.Balse Meelihii uu ku taamaayey gaadhi waayey .
Jawar Intuu Dhul Soomaaliyeed Boob is laha waxa loo mijo xaamiyay Siyaasadi Ethiopiya Gaar-ahaan tan Oromada.
Wuxu Gar-waaqsaday in Muslimkii Oromada Siyaasada laga Fogeeyay,ay kooxihii Gaalada ahaa kuraasta camireen asaga iyo Qeerrodiisana Dagaalo ku mashquuleen.Mar ay xeedho iyo fudhaal kala dhaceen ayu ogaaday yaqiinsaday in Muslimka laga takooray Siyaasada Oromada.
Shaki Kuma Jiro Inu Khilaaf ka dhaxeeyo Jawar iyo kooxda Abiy&lemmaMegersa .

<Ismail Omar PLAN B ayu u wareegay ?>

Kadib marku Jawar Mahammed arkay in Gooni loo takooray Muslimka Oromada siyaasad ahaan , Ismail Omar na Ogaaday raggan (Abiy iyo Lemma) inaynan Waxba kasoo qaadayn warkiisa yacni Xidhiidhkii uu rabay Ismail Omar kamay aqbalin wayna ka diideen Oromadu(Abiy&Lemma) Hadaba PLAN B aya loo wareegay.

PLAN B Ismail Omar wuxu rabaa inu Garabsiiyo Jawar Mahammed iyo Qeerrodiisa si uu u fajac galiyo Raggi diiday(Abiy iyo Lemma Megersa )iyo xukuumadda Ethiopiyada ba .
Jawar Mahammed iyo kooxdiisuba wuxu rajeyniyaa inu Garab ka helo Ismail Omar Maaddaamo Ismail Omar laftarkiisu Sida Jawar yahay oo labadoodaba dhibanayaal ka yihiin Siyaasada Ethiopiya kana dhex muuqan.

<Ismail Omar siduu U Garabsiin Jawar Mahammed?>

Ismail Omar wuxu dooniyaa inu Fangareeyo Kooxda Jawar Mahammed ee Qeerro si uu u Khalkhal galiyo Maamulkan Hadda ka jira Ethiopiyaa Maaddaamo uu ka arki waayay danihiisa culeysna u saaro.
Ismail Omar wuxu tusi rabaa Awooddiisa Ethiopiya sida darteedna qofkaste oo muucarad ku noqda Maamulka Ethiopiya sida Jawar Mahammed oo kale inu caawiyo uu ku qasban yahay.Hadhawna la iska sasabo sidaasna ku hantiyo Kalsoonida Xisbiga hadda kajira Ethiopiya.

<Ismail Omar & Jawar Mahammed&Ujeedka socdaalkan>

Ismail Omar iyo Jawar waxey u muuqdaan kuwo ku luqayniya Heestii Ahayd dadkii innaga ka hadhnay Waa inaan is waa heshanna .
Ilo Wadareedyo lagu kalsonyahay ayaa sheegaya inay Xulufo midaatay noqdaan ayaa loo badinaya.

Sido Kale Qowmiyada Oromada aya Rajo Wayn qabta inay Xuquuqdooda ka helaan Jabuuti.Haddey noqoto noloshooda,Amni,Waxbarasho iyo Saami qaybsiga .Saadaasho waa u Guul Qotida dhinac kaste markaad ka eegto.

Ugu Dambayn Ismail Omar inu Garab-istaago Jawar waa Mid dantiisa u ka arkaayo si uu uga muuqdo siyaasada Geeska ka socota ,Jawar na way u fiicantahay wuxu asagna rabaa Inu Siyaasada Oromada ee Muslimka laga takooray iyo Ethiopiyada ba dib ugu soo celiyo doorkii ay ka cayaraayeen dhul ballaandhsigiina sii wadan doono siduu horey u sheegay.

FG:Tigidhka Showga Jawar lagu galaayo Waad ka dhex daalacan kartaan sawirrada hoos yaal.
Xogtan anay ii Gaar-tahay Qofkaste xor buu u yahay inu Wixi sax ka qaato wixi khalad ahna iska dhaafo.
Mahadsanidiin For All !

Wallaahu Aclam !

Source,gadh ciise.