Diiradda XeerNews iyo Dawlada Jabuuti Dhasheedda bahdila Dhurwaa Koriyay.

Ähnliches FotoBildergebnis für mahamoud harbi

1.Marxuun Maxamuud Xarbi Faarax wuxuu ahaa Geesi Soomaaliyeed-Jabuuti oo xornimo-doon ahaa waana Al-kumihii ama farsameeyihii Calanka dalka Jabuuti ee maanta dad badan ku qabwayn yihiin.

Ähnliches FotoBildergebnis für hassan robleh djibouti

2.Marxuun Xassan Rooble isna wuxuu ninkii lahaa fahanka iyo farshanka Astaanta Qaranka dalka Jabuuti ee Qaaraddaha aduunka ku faaftay.

 

Bildergebnis für karuureBildergebnis für calanka jabuuti

3. Marxuun Maxamuud Qalinle God(Qoor-yare) wuxuu ahaa Abwaanki soo Alifey ee ay maskaxdiisa ka soo maaxday Eryadda heesta calanka Jabuuti ee ay ka mid yihiin;

(HI JINEE U SARAKACAA CALANKAN HARAAD IYO HAYDAAR U MUUDATEEN)

 

Bildergebnis für hees calanka djiboutiSawirka Djib-Live.

4.Mudane Cabdi Rooble Ducaale(Qarshiile)waa abwaanki heesta calanka Jabuuti ku lifaaqay Muusigga caanka noqday ee dawlada jabuuti kaaga qayb gasho fagaaraha caalaamka iyo quruumaha midoobay wixii ka dambeeyey bishii June 27.sannadkii 1977-kii.

4-taa Halyay amma wadani waa wada reer Jabuuti waxay sameeyeen,soo hindiseen, soo hagaasimeen, oo ay maankooga iyo miyirkoogga ka soo maaleen  wax Alla wixii ay dhamaan hanaan iyo haykal dawladnimo looga bahnaa ee dalkan yar ee jabuuti sidaasna dawlad taam ah ku noqotay.

Reer Jabuuti ahaanta guud ka sokow waxay ka soo wada jeedaan hal isku qoys qoyskaasi oo ah qoyska xukuma dalka Jabuuti mudo hada ku dhoow 42 sanno.
Marka laga reebo marxuun Maxamuud Harbi Faarax 3-dda kale way soo gaadheen dawladnimdda Jabuuti iyagoo nol oo caafimaad iyo maalmihii ay ugu xiisaha badnayn oo ahayd 17 sanno ee ugu horeysa dawladnimadda jabuuti.

Nasiib wanaaga ay dawlada Jabuuti heshay ayaa waxaa ka mid ahayd in ay Jabuuti tahay dawlada qudha ee intaa taarrikhda aduunka la xasuusto nolol iyo caafimaad qab ku heshay raggi wadaniyiinta ahaa ee astaamaha qaranka dawladnimo in ay si bilaash ah ku soo aluufay,ma jiro dal aduunka maanta jira oo isku helay arinta aan ka hadlayno,

Tusaale ahaan dalka aan jaarka nahay ee Itoobiya wuxuu ku faana in u soo jiray wax ka badan 2000 oo sanno wuxuu leeyahay astaamo iyo maalmo qaran iyo taarrikh u gaar ah haseyeeshe ma jirto hal qof oo si rasmi ah kugu sheegi kara ciddi soo hindistay iyo goortay ahayd marka laga reebo qoraalo iyo sheegoyin mala awaaal  iyo wax la mid ah,waxaa la sheega in calanka dalka Itoobiya oo marar fara badan la badalay ama wax laga badalay ay fikirkiisa lahaayeen baadiriyaal u dhashay dal yar ee ku yaal qaraadda Yurub Armeeniya oo dalka Itoobiya ugu soo gurman jiray diin ahaan oo ahaa  dalka xita ku caawiyey xarfa ay luqada Amxaarku ku qoran tahay ilaa maanta.

Laakiin wadaniyiin reer Jabuuti lama soo sheegin cid gees walba  ka caawisey ka midha dhalinta astaamaha Qaranka Jabuuti ee waxay ahayd mid ay aqoontooda iyo kartitooda ku hirgaliyeen, dhamaantood maanta way naga hooseeyan(Dhinteen) marka laga reebo Abwaan Qarshiile oo aan ka wada dheregsan nahay xaalka uu maanta ku sugan yahay.

Iyaguu way guteen waajibaadkoogi wadanimo waajibka laga hadli ee lagu ogaa dadka yaqaan Hanaanka dawladnimo waxaa ay tahay waa dawlada Jabuuti uma baahna in maanta farta loogu fiiqo kaalinta ay ahayd in ay buuxiyaan ee laga wada sugi ee ku saabsan geesiyaddan qormado ka sheegeyn iyo xurmayntay dalka Jabuuti ka mudnaayeen oo meesha laga saaray sabab ay cidna ka warami karayn.

42 sanno oo ay dawalda jabuuti bariido iyo badhaadhe ku soo waabarisatay in ay hal doorkii iyo labeenti qarankan Jabuuti sidda geeridoodu ka dib iyo intay noolaayeenba cidla loogu iloobo waxay ku tusin mooraalka iyo garaadka kuwaa ku suuxay xilka ugu sareeya ee dawlada Jabuuti uu yahay.