Siyaasi Aadan Alaale oo ka hadlay weerarkii lagu wax yeeleeyey ciyaartoy u dhashay Kililka Tigreega.

waxaa goor dhawayd shir jaraaid qabtay afhayeenka waxgaradka reer Diri dhaba Aadan Alaale isagoo waraysi gaar ah siiyay war baahinta waxa uu sheegey in shilkii ka dhacay jidka laamiga ee lagu wax yeeleeyey ciyaartooy u dhacay kililka Tigreega oo maamulka Canfartu ku wanjalay in ay falka geysteen shacabka ku dulmaan degmooyinka Soomaaliyeed Garba-ciise iyo Caydaytu ay waxba ka jirin.

Wuxuuna yidh;

1 wuxuu siyaasi Aadan Alaale ugu horayn tacsi u diraya qoyskii uu ka dhashay ciyaar toygii lagu toogtay degaanka canfarta.

2 waxan cambaraynayaa weerarkii lala eegtay gadhigii ay wateen kooxda kubada cagta ee walta polis

3 dawlada federlka si deg dega baadhitaan ha u samayso lagu ogaanayo cidi ka dambaysay weerarka

4 gobolka siti oo ay dhex maraan wadooyin halbowle u ah Itoobiya  ilaa iyo hada wax dhiba lagama sheegin waayo waxa ku nool shacab nabada koriya laakiin aan loo aqoonsanayn.