Shirka Magaalada Hadamo ee Soomaalida iyo Oromadda oo Arbacada furmi doona

Maalinta arbacada ah waxaa magaalada Nazret kadhici doona shir loo qabanayo qoomiyadaha Soomaalida iyo oromada kaasoo sida lasheegay looga gonleeyahay ,,Xoojinta Xidhiidhka labada qoomiyadood,,

,,Hawraarsan,, deegaankeenu wuxuu daris layahay Oromo iyo Canfar kuwaas oo aan waxyaabo badan iska shabahno gaarahaan goobaha xuduudaha, Sida dhaqashada xoolaha iyo tabaca beeraha iwm.

Sida caadiga ah waxaa horayso iyo danbaysaba iska jira iskudhacyo kookooban oo laxidhiidha dhanka daaqa iyo biyaha kuwaas oo maraka qaar horay udhici jiray hada kadibna dhicikara, balse waxaa xusid mudan in sanadihii lasoo dhaafay ay xaaladu sidaas kaduwanayd, waxaana labada qoomiyadood ee soomaalida iyo oromada ladhex dhigay colaado siyaasadaysan kuwaas oo sabab unoqday in xasuuq arxan daro ah loogaysto soomaali badan oo qarniyo kudhexnoolaa deegaanka oromada Sida Balbalayti iyo ganacsatadii jaadka ee Awaday, dhankakale waxaa deegaanka soomaalida kaqaxay kumanaan xoogsato ubadan oo kasoojeeda qoomiyada oromada.

Sikastaba labada dhinacba dhibaato badan ayaa kadhacday, waxaana xusid mudan in dadaal dheer kadib ay xukuimada DDS kuguulaysatay joojinta colaadaha xuduudaha labada qoomiyadood walow ay meelaha qaar wali dhacdooyin iyo weeraro qorshaysani kadhacaan.

Dhankakale waxaan cidna kaqarsoonayn in dhanka soomaalida aysan wax colaad ahi xiligan kajirin, tusaale ahaan guudahana deegaanka waxaa meelwalba jooga xoogsatada qoomiyada oromada,waxayna ganacsatada oromadu sixor ah udhexmaraan ugana dhex ganacsadaan deegaanka soomaalida iyo guudahaan gayiga soomaaliyeed, balse dhankakale xaaladu sidaas kaduwan manajiro qof soomaali ah oo si cabsi la,aan ah kudhexmari kara guudahaanba deegaanka oromada markanlaga tago shawsiyaad labada dhinacba dhaca, waxaana intaasi dheer in aysan jirin cid ilaa hada loo ciqaabay xasuuqii Awaday,balbalayti iwm, manajirto wax rajo ah oo laga qabo in 500kun ee Qoloji kusugan ay dib uhelaan xoolohoodii,beerohoodii iyo caruurtoodii laxasuuqay midna.

Hadaba waxaan qabaa inaan shirka Nazret latagno xaqiiq si,aan xalwaara ugaadhno labada dhinacba, qofka dariskaaga ah inaad dhibkiisa usheegto ceeb maaha,inaad lagaranto oo aad runta usheegtana xalbaa kujira, balse iga qora hadii intaas wax kaduwan lala tago shirka Nazret waxaa hubaala in khamiista diyaarad lasoo raacidoono oo aan lamaridoonin halkii arbacada mashxarada lagu maray.

Ugu danbayn waxaan soo dhawaynaynaa shirka Nazret waxaana rajaynaynaa inuu noqdo mid keena waxkabadan sawiro iyo hadalo fagaare laga yidhaahodo, waxaana kuboorinayaa in ergooyinka soomaalida ee shirkan tagayaa ay noqdaan dadka colaaduhu saamaybta kuyeesheen.

Oromo iyo soomaali waa dad daris ah islamarkaana intabadan isku diin ah waxa kaliya ee dantoodu tahayna waa nabad.

Ergooyinka shirka tagi doona oo maanta  laga sagootiyay magaalada Jigjiga ayaa ka kala socda Gobolada kala ah Faafan, Jarar, Nogob, Erer, Qoraxey, Doolo iyo Shabeele, waxaana madasha shirka Horay u Gaadhay Ergada Gobolada Libaan, Daawa iyo Afdheer, Halka reer Sittina ay maanta ka qobobaaleen magalaada Diridhaba.