Majirto cid ka bad baadaysa xasuuqa kasocda Galbeedka Gobolka Sitti.

 

Deegaanka Dan-Laheley ee degmada Afdam Waa Tuulo ay si arxan dara ah ciidamada Liyuuga iyo maleeshiyaadka Canfartu isugud dareen xasuuq, Barakicin iyo Gubis Tuuladii dhamayd oo dad badan oo shacab ahi kunoolaayeen.

Qaybaha kala duwan ee ciidamada mamulka oo Gacan buuxda kahelaya milateriga Itoobiya waxay Tuulada Dan-lahelay ku Laayeen shacab Tira badan oo Hoos Joogay calanka dawlada deegaanka Somaalida, taasi oo inay wax kaqabato iyo inay kahadasho Haba Joogtee aan malaha Aaminsan inayn in shacabka Galbeedka Gobolka Sitti uu kamid yahay dadka ay xukunkto!.

Dan-laheley iyo dhamaan deegaamada kale ee ciidamada mamulka Canfarta iyo kuwa milaterigu kuhayaan Gumaad, Xadhig wadareed iyo xad Gudubyo Joogta ah, marka laga yimaado mamulka Fadhiidka ah ee Jigjiga waxaa Gabay Walaalihii Somaaliyed ee Hiilka ay kasugayeen oo Adin iyo Anfaca Hajoogtee xitaa Afkii Gabay.

Marka Lafiiriyo deegaanka Somaalida mashaqada kasocota Galbeedka Gobolka Sitti majirto meel kale oo ay kasocoto, waxaana Hubaala hadii uusan shacabka Somaaliyeed u istaagin Gude iyo dibad u Hiilinta Walaalaha sida Gardarada ah dhulkooda loogu Awood sheeganayo inaysan cidina kabad baadayn waayo Somaalida ku Hoos jirta Gumaysiga Itoobiya isku Doon bay saaran tahay.

Share

Warbixin ku saabsan shacabka Dan-laheley lagu Gumaaday ay LIYU Police iyo maleeshiyaadka Canfartu weerar Gaadmin ah ku soo qaaden qabalahaas.Sidaas ay tahay Dan-laheley waxay ka tirsantahay deegaanka soomaalida Xukuumada mustafe ila hadda waxay ka idho laabaniyaan Xasuuqa shacabka lagu hayo ee Galbeedka Sitti .

Slået op af Barbaarta Dir Dhabe & Sitti State i Lørdag den 27. april 2019

Ilaa saaka waa barigii waxay Ciidamada Militariga Itoobiya G’odoon iyo xadhig ku hayaan Shacabka ku dhaqan Qabalaha Dan-lahelay ee hoose yimaado Degmada Afdem ee Gobolka Sitti , waxay Ciidamadu xidhxidheen tiro dhawr ah oo Shacabka Magaalada deggan ah , Waxaa loogu Marmarsiiyoonayaa Bus/Baskii meel ka durugsan Qabalaha Dan-lahelay ee lagu dhaawacay ciyaartooyiga Tigreega ahaa inay ciddii gaysatay keenaan ,iyadoo taasna shacabku waxba ka ogayn kuna lug lahayn

Dadaallo badan ay sameeyeen Maamulka Gobolka Sitti uu hoos yimaado Qabalahan Danlahelay ee la g’odoomiyay iyay Ciidamada Dawlada federal ka ee tacaddiga wado Amar ku bixiyeen inay Danlahelay iyo aagga udhaw ba usoo dhawaan karayn Ciidan Deegaanka Soomaalida ah iyo mid Deegaanka canfarta ah toona , Dawladda federal Kuna sidaa goaamisay ,Walina Xidhiidh badan baa usocdo

waxaa gardarro iyo gaf cad ah Shacabkii bilahaa udameeyay xasuuqa lagu hayay Guryohoogiina la gubay ay Ciidamada Dawlada Itoobiya sheegani ku daawanaayeen Gumaadka in Maantana agoomtii iyo dadkii dhibaataysnaa loo sababsado dembi ayna iyagu gaysanin . Hal Qof oo bas lagu dilay Haddii shacab dhan loo g’odoominaayo marka maatida iyo Shacabka Gumaadka lagu hayana waxba lagasoo qaadayn waxay Caddayn utahay inay Shacabkaa Soomaaliyeed loo aqoonsanayn Itoobiyaan xuquuq leh amaba ugu yaraan inay xaquuq Baniiaadam leeyihiin

Dawladda Itoobiya degdeg ha ujoojiso gumaadka ay shacabka Guryohooga deggan la beegsani Haddii kale ha ogaato inaan iyadana Dawlad nimo u aqoonsan doonin cawaaqib xumana inay kala kulmi doonto Guumaysigan