Ciidankii dawladda Itoobiya oo shacabkii reer Dan-lahehey Afduub iyo ciqaab wadareed kula kacday.

Waxay Ciidamada Dawlada Itoobiya shalay (Salaasadii) subaxdii ilaa galabtii kala bexeen guryaha Shacabka Soomaaliyeed ee Qabalaha Danlahelay 26 Qori ay ciidanku qaadeen Rasaasta Ak 584 hal ,rasaasta faalka 80 Hal , 21 qafiska Ak ga ah , lacag dhan 24450 Birr ka Itoobiya ,

Dawladda Itoobiya way ogtahay in waligeed ba ay shucuubta Itoobiyee xoolo dhaqatada ah ay hubkooga ku ilaalsadaan xoolohooga iyo naftooda tanise waxaa loogu talagalay in Shacabkan xoolo dhaqatada ah ay Ciidamada liyuuga hubaysan ee maamulka canfartu gumaadka ku hayaan in loo gacan qabto sidaana xasuuq iyo barakicin loogu gaysto Shacabkan dulman ee wax xaquuq ah loo ogolayn.

Horaan ula soconnay inay Dawlada Itoobiya hubkeegii maamulo iyo ciidamo hubaysan intay usoo dhiibtay u ogolaatay in Shacabkan lagu xasuuqo lagunasoo barakiciyo ,maantana Dadka xoolo dhaqatada waxba haysanin baa loogu yimiday Hal halkii yaraa ay waraabaha iyo cadaawaha dhulkooga ku layni iskaga waabin lahaayeen,taas oo ka dhigan Shacabka Soomaaliyeed Itoobiyaan maaha in la xasuuqo oo qoomiyadaha lagusoo hubeeyo marna Ciidanku toos ulaayo maahine wax xuquuq ah dhulkooga kuma leh . Laakiin Shacabka Deegaanadooda lagu layni marnaba Kama gabban doonaan cid walboo daandaansato

Waxaa nasoo gaadhay in xalay fiidkii shir lagula jiray Shacabkii naftooda ugalasoo cararay Qabalaha Danlahelay laguna sasabaayay Soo laama inigoo gacmo madhan si ay Ciidamada Itoobiya iyo kuwa canfartu nii xasuuqaan . Balse Shacabka taas si cad udiiday iyagoo codsaday in dhammaan ba degdeg loogusoo celiyo wixii laga qaatay oodhan Ciidamaduna G’odoonka ka qaadaan shacabkan Guryohooga qoryaha lala horjoogo.

Wixii maanta kasoo kordho waan la socon doonaa ,laakiin reer Sitti ha uhiiliyaan walaalohood oo meel walba bannaabaxyo nabadaysan haka dhigaan , Itoobiya ninkii hurdo way adoonsataa ninkii soo jeedana way ka weecataa,