Aaway Liyuu Booliskii Soomaali-State ee Soomaalidda uu Xoogga badnaa?

Waagi uu jiray wixii la odhan jiray Kililka Soomaalidda Itoobiya ee uu gacan ku dhiigle Cabdi Iley majaraha u hayey waxaa jiray ciidan Soomaaliyeed oo la yidhaahdo Liyuu Booliska kililka Soomaalidda Itoobiya ciidan waxaa tiradooda guud lagu sheegaa in ay dhan yihiin 50.000 ilaa 60.000 oo nin oo leh tababar iyo hub aad fara badan oo loogu tala galay in ay kula dagaalamaan jabhadi la odhan jiray O.N.L.F. iyo wax alla wixii uu Cabdi Iley u arkaayey cadaw oo ay ugu horeysay shacabka Soomaaliyeed.
Waxay dhamaan goboladda kililka Soomaalidda ku lahaayeen xerooyin iyo saldhigyo iyo goobo qarsoodi ahaa oo umadda Soomaaliyeed lagu bahdili jiray.
Waxaan xasuusan karna markii u socday kacdoonkii barbaarta reer Sitti ee heryadda loogu siibay xukunkii Cabdi Iley waxaan wadda ogeyn xooggi iyo awooddi ay lahaayeen ciidamaddi Liyuu Booliska Cabdi Iley waxay si deg-deg ah ku iman jireen meel kasta oo ka mid ahayd gobolka Sitti xita haday goob baadi tahay way iman jireen iyagoo wata baabuurta loo yaqaan Teknikaga oo ay saaran yihiin hub culus.
Talaabooyinkii ay barbaarta ka qaadi jireen waxaa ka mid ahayd xadhig,jidh dil,barakicin,iyo iyagoo guryohooga ka caydhsan jiray waxaan wada ogsoonahay ficiladdi ay ku samayn jireen dhalinta barbaarta sidda barbaarti reer reer Ayshaca,reer Hadhagaala,Reer Shiniile,reer Dambal,reer Erer,Biki,iyo halka ugu dambayse ee ah degmooyinka Afdam iyo Ma,ayso.
Haddaba maanta waxaa gobolka Sitti weerar aan kala joogsi lahayn ku hayaa ciidan la mid ah ciidanka Liyuu Booliska Soomaali-State oo ah kuwa is Maamulka Kililka Canfarta oo tiro iyo tayaba aad uga liita kuwan Soomaalidda,
Gumaadka Ciidanka Liyuu-ka Canfartu wuxuu socda wax ka badan sannad iyo dheeraad walina lama hayo ciidankii xoogga badnaa ee barbaarta Sitti nafta u keenay, ficiladda ciidan liyuu Soomaalidda markaad kor iyo hoos ugu tagto waxaa meesha ka cad in ay dhabta tahay wixii ay Soomaaliddu ku sheegi jirtay ee ahayd in ciidan sababta qudha ee samaystay ay ahayd in Soomaalidda uun lagu tabar gooyo ee aan ujeedo kale laga lahayn.
Haday yihiin Ciidan Soomaaliyeed oo xalaal ah oo loo yagleelay danta iyo dadka Soomaaliyeed daryeelkooga maanta ma siiyeen damiirkooga in ay daawaddan dhiigta shacabka reer Sitti ee Liyuuga Canfarta qayrkood ahi ku layn dhulkoogi.