Liyuu Booliska Canfarta oo dhalin Xoola la joogta ku laayey degmada May,iso ee Gobolka Sitti.

Ciidanka liyuu Booliska is maamulka Canfarta ee dalka Itoobiya ayaa maanta ku laayey shacab xoola dhaqata degmadda Ma,ayso gaar ahaan  qabalaha Madane,Weerardda joogtada ah ee Liyuu Booliska Canfartu ku hayo shacabka aan hubaysnayn ee galbeedka gobolka Sitti ayaa gaadhay heer aan loo adkaysan karayn oo noqday weerar maalin kasta ka dhaca aaga galbeeka gobolka Sitti laguna wax yeeloyo dad shacab ah oo aan waxba galabsan.
Weerarka oo maanta aroorti hora ay soo qaadeen Liyuu Booliska Canfartu ayaa wuxuu ka dhacay goobta lagu magacaabo RIIGA oo dhaxay tuuladda Madane iyo magaalada Garba-ciiise oo ka mid ah dhulka Soomaali-State xukunto. weeararka waxay Booliska Liyuu la beegsadeen kor subax hora ah waxay goobta ku gumaadeen dhalin yaro xoola daaq geynaysay waxayna halka ku laayeen ugu yaran 15 wiil oo dhalin yaro xoola la raacshay.
Hoos ka akhrista qaar ka mid ah dhalinta ay Booliska Canfartu ku xasuuqeen degmada Ma,ayso,
1.Cige faarax
2.Aadan cige faarax
3.Cali Fure faarax
4.cabdilahi Ducaale colle
5.Axmed Ducaale colle
6.Boodhle Xalane faarax
7.Xuseen Jaamac Barre
8.Sabban Geedi Suge
9.Cige Rooble Muuse
10.Aadan Cateeye Dharaar
11.Xuseen Dirir Cige
Waxaan Ilaahay uga baryayna in u naxariisto dhamaan dhalinta ay Booliska Canfartu ku laayeen xaqdaradda.